Dadka u dhashay Banaadir: Nin mininkiisi marti ku ah.!!

Ma jiraan dad mininkooda marti ku ah? Horta marti maxaa loola jeedaa? Ma jiraan wax xuquuq ay martidu ku leedahay meesha ay joogto? Marti micnaheedu waa in aadan wax xuquuq ah ku lahayn meesha aad ku sugan tahay, maadaama aadan talo iyo go’aan midna ku lahayn rugta aad ku sugan tahay.  Haddaba, dadka ku nool gobolka Banaadir waxay ku soo bexeen marti aan wax talo ah ku lahayn gobolka, kaddib markii dalki kala baxay oo ay timid dowlad lagu magacaabay FEDERAAL.

Horay u sii soco, gobolladi goostay oo sameystay calan iyo caasimad u gaara waxay dhaqan geliyeen oraahdi ahayd KEYGANA LIHI KAAGANA KULA LIHI. Aaway dadki gobolkaan lahaay oo sheega jiray weligood oo maanta weysay inay helaan xataa aqoonsi inay yihiin dad jira oo xaq u leh inay iyaguna yeeshaan waxa ay gobollada kale heystaan oo ah AQOONSI in loo aqoonsado gobol sameysan kara dowlad goboleed u gaara oon cidina la wadaagin. Maxaa marti ka dhigay reer BANAADIR? Nasiib darro, dadki laga filaayay inay u adeegaan bulshada gobolkaan deggan waxay ka doorteen inay xoogaa laaluush qaataan waxa dhacaya iyo waxa soo socdana ay ka aamusaan…af wax cunay xishoo!!!

Xildhibaanada iyo siyaasiyyinta Banaadir waa dad aad uga liita xagga garaadka iyo garashada waxa ku dhacaaya dadka gobolkaan ku nool ay iyagu sabab u yihiin waayo kuma jiro hal qof oo dareema laqdabada ku socota ummaddaan oo canshuurihi ay bixiyanaa la siiyo gobollo kale iyaguna ay ka qadsan yihiin.  Qofki laga dareemo dhaq-dhaqaaq uu ku raadinaayo xuquuqdaXamar ama ku hamiya inuu raadiyo maqaamka Banaadir in laga takhaluso si dhaqso ah oon xishood lahayn, iyadoo aan geed loogu soo ganban, sidi lagu sameeyay Taabid Cabdi markuu isku dayay inuu Banaadir maqaamkeeda raadiyo.. Shirki uu ku qabtay xarunta gobolka waaga uma baryin..wuxuuna ku sigtay in la khaarijiyo kaddib markii la geeyay meesha ciidamo fara badan oo la wareegay gobolki oo dhan. Isla markiiba subaxdi xigtay waxaa lagu beddelay, si loo daboolo mu’aamarada, mid u nasab sheegta gobolka oo jaga ka weyn Guddoomiye Gobol laga qaaday oo welina ku faraxsan waayoo u maleyn maayo inuu kala garan karo meesha laga keenay iyo meesha la geeyay iyo xikmadda ka dambeysa.

Haddaba, Banaadir waxay u baahan tahay dad garan kara waxa soo socda kana gaashaaman kara intey goori goor tahay, gurigooda aysan marti ku ahaan. Banaadir dadka oo dhan waa ka dhexeysaa waana caasimaddi dalka, laakin taasi micnaheedu ma ahan inaysan dad lahayn, dad  xaq u lkeh inay gurigooda iyagu ka taliyaan inta kalena ay marti ku yihiin..

DALKA WAA LOOGA TALI KARAA XAMAR, DOWLADDANA WAA JOOGI KARTAA..laakin waa in la fahmaa dadkana loo sheegaa micnaha ah in dalka la wada leeyahay, haddana la kala leeyahay. Waa in dadka lagu qanciyaa in wixi hanti ah ama daaro aad ka dhisato Xamar adigaa iska leh laakin dhulka adiga ma lihid waayoo waa hanti ma guurto ah.

Tallaabooyinka loo racay casilidi Taabid waxay caddeyneysaa in awooda dalka oo dhan ay gacanta ugu jirto Xasan Kheyre cid la wadaagtana aysan meesha ka muuqan. Maanta waxaa socda  howlgallo uu wado Kheyre oo ah inuu  beddelaayo taliyeyaasha ciidamada oo dhan…yaa awooda intaas laeg siiyay…ma yaqaannaa shaqada uu qabto taliye ciidan (his job description)waa howl u gaar ah Madaxweynaha oo markuu ka qaato talooyin guddi ka tirsan Barlamaanka ku dhaqaaqo wixi la gudboonaada.

Berigii hore waxaa jiri jiray sharci xadeeya darajooyinka la siinaayo sarakiisha sarsare oo cidanka, ma noqon karin Gaashaanle ( mayjar) ILAA GUDDI BARLAMAAN KA OGGOLAADO…maantana  Xasan Kheyre ayaa cidduu doono magacaaba, cidduu doonana ka qaada jagada wax kasta oo ay tahay…Waryaa ninkaan siiyay awoodaan xad-dhaafka ah oo  ka badan xataa tan boqorradu leeyihiin.  Taasina waxay markhaati ka tahay in M/weyne Farmaajo uusan meesha wax talo ah ku lahayn awoodina la gala wareegay sidaasna uu raalli ku yahay mar haddii lagu magacaabo Madaxweyne!!!

Qaybaha dowladda oo dhan macal barlamaanka waxay hoos tagaan Xasan Kheyre oo siduu doono u maamula, cid ka daba hadli kartana aysan muuqan..ma la heli doonaa dad garta xaalka halka uu marayo iyo sida looga hortegi karo khatarta soo socota!!!

W/Q: Axmad Calasow