Mas’uul xukuumada Somalia ka tirsanaa oo xilka looga qaaday inuu ku biiray xisbi

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameysay Mas’uul sare oo ka tirsanaa Xukuumadda kadib markii uu ku biiray Xisbi Siyaasadeed.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Xasan Canshuur ayaa xilkii ka qaaday Cali Ibraahim (Cali Shaam) oo kamid ahaa Guddiga Madaxa banaan ee Isgaarsiinta Qaranka .

Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa baahisay warka ku saabsan in xil ka qaadis lagu sameeyey Mas’uulkaan, iyadoo sheegtay inay heyso waraaqda xilka looga qaaday oo uu ku saxiixan yahay Wasiir Canshuur.

Cali Ibraahim (Shaam) ayaa la sheegay inuu ku biiray Xisbiga Horusocod, waxaana lagu arkay Liiska Xisbigaas.

Mas’uulka xilka laga qaaday illaa hadda ma uusan ka hadlin xil ka qaadista lagu sameeyey, sidoo kalana wasaaradda weli si rasmi ah uma soo bandhigin waraaqda xilka looga qaaday.

Guddiga madaxa banaan ee Isgaasiinta Qaranka ayaa waxaa dhistay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaana ka hor imaaday qaar ka tirsan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Maamul Goboleedyada.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com