Mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul iyo sida looga adkaaday dadkii diidanaa

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi; Aqristoow; waxaa maalintii Arbacada aheyd, taariikhduna ku beegneyd 8-da bishan Maajo (May) ee 2019-ka, markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya iyo Mareeykanka si sharci ah loogu codeeyey, qalinkana loogu duugay, mataaneynta caasimada ummada Soomaaliyeede Muqdisho, iyo caasimada gobolkan Minnesota ee Saint Paul.

Gobolkan Minnesota waxaa lagu tilmaamaa, caasimada quba-joogta Soomaaliyeed, maadaama ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan, ee dalka dibadiisa ku nool, waa marka loo barbardhigo, meelaha kalee dalka dibadiisa ah, ee Soomaalidu ku kala nooshahay’e.

Waa guul aad u weyn, muhiimna u ah guud ummada Soomaaliyeed, gaar ahaanna ummada Soomaaliyeed, ee gobolkan Minnesota ku nool, kuwaasoo muujiyey awoodooda shaqaale, mid siyaasadeed, iyo mid galaangal intaba. Waxeey guushani dhadhan gaar ahoo aad u macaan badan u leedahay, ammaanteedana iska leh, intii dadaalka dheer galisay, dhib iyo xagxagasho fara badanna uu ka soogaaray. Dadkaa waxaa ugu horeeya Al-Sheekh Dr. Imaam Xasan Jaamici, Qaasim Basuuri oo ah gudoomiyaha degmada lixaad ee Saint Paul (St Paul Ward 6 Council Member), iyo waxgaradkii kalee Soomaaliyeed, ee dadaalkaa ku garab istaagay.

Qaar ka mid ah waxyaabaha laga faa’idayo mataaneynta labadan magaalo.

  1. Dab-Damisyo in loo qaado caasimadda Ummada Soomaaliyeed ee Muqdhosho.
  2. In Aambulans (Ambulances) in looqaado caasimada Ummada
  3. Booliska (Police) magaalada Saint Paul, oo tababaro siiya booliiska magaalada Muqdisho, sidaana ballan qaaday.
  4. Ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Mareeykanka, oo iska kaashanaya shaqo abuuris.
  5. Mashaariic waxbarasho, oo macaahid farsamo ay ku jiraanoo la abuurayo.

…iyo kuwo kaloo fara badan.

Taariikhda laga soomaray mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul

Dadaalka mataaneynta caasimada gobolkan Minnesota ee Saint Paul, iyo caasimada ummada Soomaaliyeed ee Muqdisho, wuxuu soo socday in mudo ah.Waxaa waqti iyo dadaal dheerba ku bixiyey waxgarad Soomaaliyeed, hogaankeedaba halahaadeen shaqsiyaad wanaagaa hor boodayey’e.

Nasiibdarro! Waxaa jiray koox kaloo Soomaali ah, kuwaasoo qaab qabyaaladeeysan uga soo hor jeestay mataaneynta magaalooyinka Saint Paul iyo Muqdisho. Waxeey dadaal, iyo olole farabadan ku bixiyeen, ineeysan marnaba suurtagalin mataaneynta labadan magaalo, iyagoo markaa u xaglinayey, in magaalada Saint Paul lala mataaneeyo, magaalo kaloo “Beel ahaan” kooxdaasi kasoo jeedaan.Waxeey waraaqo u kala direen, golaha magaalada Saint Paul, iyo waliba duqa maqaalada (Mayor of Saint Paul city) intaba, iyagoo magaalada Muqdisho iyo ummada Soomaaliyeede daganba ku caayay, ineey yihiin goob iyo dad argagixiso, iyagoo dhanka kalana ammaanayey magaaladaa kalee Soomaaliyeed, balse “Reerkoodu dago”. Waxeey baraha bulshada aflagaado, iyo waxkastoo meel ka dhac ku ahba u geeysteen, culumadii arintaa mataaneynta labadan magaalo hogaaminayay. Arintaa waxeey sababtay, in arintii mataaneynta labada magaalo, ee dadaalkeedii heer gabagabo ah marayay, dib u dhac kuyimaado, maadaama arinta buuq lagu furay, duqa magaaladana loo tusay, in arintani u keeni karto, fadeexo siyaasadeedoo soo afjari karta, mustaqbalkiisa siyaasadeed, maadaama uu “Argagixiso wax ku darsanayo!”. Nasiib wanaag! Ugu dambeyn waxaa guuleestay, inta jecel wanaaga iyo midnimada Ummada Soomaaliyeed.

Taariikhdii kalee isku dayga mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Minneapolis

Maadaama gobolkan Minnesota yahay, meesheey ku nool yihiin Soomaalida ugu badane, dalka dibadiisa ku nool, marka loo barbardhigo meelaha kalee dalka dibadiisa ah, ee Soomaalidu ku nooshahay, ayaa la damcay in la mataaneeyo magaalada Minneapolis, ee Soomaalida gobolka Minnesota ugu sii badan yihiin, ganacsigooda ugu xooganina yaallo, iyo caasimada ummada Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Dadaalkaa waxaa bilaabay Soomaali is xil qaantay, kuwaasoo markaa kashaqeeynaysey dowlada gobolka, maadaama cid Soomaali ahoo la doortayba markaa jirin, hadeey ahaan laheyd heer xaafad ama dagmo, heer gobol, iyo heer qaran intaba. Dadaalkaa wuxuu soo socdaba, isagoo meel aad u wanaagsan, oo mira dhal ah maraya, ayaa waxaa la doortay “Shaqsi Soomaali ah”, oo markaa Soomaalidu si kal-iyo-laab ah, Soomaalinimo ugu wada gurmatay, maadaama uu ahaa qofkii Soomaali ahaa, ee ugu rajada wanaagsanaa in la doorto. Waxaa rajo laga qabay, inuu dadaalkaa mataaneynta labada magaalo, meeshiisa kasii wadi doono, goolkaana Soomaali oo dhan u wada dhalin doono, maadaama Soomaali oo dhami ugu wada gurmatay, si Soomaalinimo ah.

Nasiibdarro! Maalintii la doortay, ayuu lasoo baxay wax Soomaalida guud ahaan aaney ka filaneyn. Maadaama loo doortay golihii magaalada Minneapolis, yahayna qofka kaliya, ee Soomaali ahe kujira golahaa, wuxuu dadaal u galay, siduu u kala tuuri lahaa, mideynta labadaa magaalee Muqdisho iyo Minneapolis. Ugu dambeyn wuxuu kala daadiyey dadaalkii mudada dheer Soomaalidu soo waday, wuxuuna meeshaba ka saaray, in la mataaneeyo magaalada Minneapolis iyo caasimada dalkeenee Muqdisho, isagoo markaa qaab qabyaaladeed ula dagaalayay. Wuxuu badalkeedii dadaal ku bixiyey, in la mataaneeyo magaalada Minneapolis iyo magaalo kaloo Soomaaliyeed, balse “Jufadiisu” dagto.  Ugu dambeyn wuxuu golihii Minneapolis meel mariyey, mataaneynta magaaladii “Jufadiisa” dagto, ee uu ku badalayey caasimada ummada Soomaaliyeede Muqdisho. Sidaa ayey meesha uga baxday mataaneyntii Muqdisho iyo Minneapolis, sidaana “Shaqsigaa” ugu badalay magaaladaa “Reerkiisu” dagaan, balse sidaabaa taariikh madoow looga qoray.

Waxaa intaa kasii daran, markii lawaday dadaalkan guuleeystaye ah, mideeynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul, kooxda qabyaalada ugasoo horjeesatay,ee waraaqaha dacaayadaha meelkasta ukala dirayey, waxeey u xaglinayeen magaalo kaloo “Isla deegaankaa ah”, dagtana “Isla beeshaa” kuwaasoo shaqsigaa aan soo sheegney kasoo wada jeedaan.

Ha noolaato midnimada, wadajirka, iyo is jaceynka ummadeena Soomaaliyeed. Mahadsanidiin

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).
Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed.
abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid