Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa qaatay go’aan kale kadib markii ay sheegeen iney shir gaar ah ka furanayaan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Waxgaradka Hiiraan ayaa sheegay in magaalada ay ka furayaan shir gaar ah oo ay ka qeyb galayaan dhamaan beelaha daga deegaanada gobolka Hiiraan, maadaama dowlada Soomaaliya ay shirkaasi u qaban weyday.
Waxay sheegeen in bilowga bisha soo socota ee April ay magaalad aka furi doonaan shir lagu hishiisiinayo dhamaan beelaha daga deegaanada Hiiraan ayna kasoo qeyb gali doonaan.
Nabadoonada ayaa waxay sidoo kale sheegeen in dowlada Soomaaliya aysan waxba kaga baahneyn, maadaama ay u qaban weysay shirka dib u hishiisiinta beelaha daga deegaanada gobolka Hiiraan.
Waxay sheegeen in 3-da April shirkaasi laga furi doono magaalada Beledweyne laguna wargeliyay dhamaan beelaha daga gobolka Hiiraan.
Waxgaradkaasi ayaa sharuudo seddex ahaa oo ay hordhigeen madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxaa kamid ahaa in shir dib u hishiisiin ah loo qabto beelaha daga Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

