Maxaa dan ah oo Soomaaliya ugu jira dhismaha ciidanka cusub ee heeganka’ B/A?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta  Xildhibaanada Golaha Shacabka hor geeyey heshiis ku saabsan aas-aasidda ciidan ay ku mideysan yihiin wadamada Bariga Afrika.

Wasiirka ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay inay ku biirto qorshaha lagu aas-aasayo ciidan heegan ah oo dalalka Bariga Afrika ay wada leeyihiin.

“Waxaa jira isbedello waaweyn oo ku yimid hanaanka difaaca iyo amniga ee caalamka, dalkeenu wuxuu baahi u qabaa inuu xoojiyo iskaashiyada wadamada gobolka oo ka saacidi doona difaaca danaha qaranka,” ayuu yiri wasiir Jaamac oo is dul taagay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay heshiiskaas.

Sidoo kale wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay sharciyan Soomaaliya uga mid noqon karto heshiiskaan, isagoo carrabka ku adkeeyey in xukuumadda Soomaaliya ay awood u leedahay inay gasho heshiisyo noocaan ah.

“Iskaashiga amni ee ka dhalanaya heshiiskaan hadii aad ansixisaan, waxaan ka faa’iidi doonaa:”

1 – Waxaa dowladaha qeybta ka ah ku waajibeysa inay fududeeyaan kaalmo difaac, hadii aan uga baahano.

2 – Wuxuu heshiiskaan abuurayaa fursad si wadajir ah loogu burburinayo argagixisada.

3 – Waxaan ka faa’iidi doonaa suuqa dhaqaale ee u gaarka ah wadamada ciidamada heeganka ah eeBariga Afrika.

4 – Heshiiskaan wuxuu dhameystirayaa iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya ay la yeelaneyso dalalka Bariga Afrika, taas oo aan la gaari karin iyadoo aan xal loo helin khataraha amni ee weli jira.

“Hadii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo heshiiskaan, waxaan awood u yeela doonaa inaan dalbano waxka bedel ama dib u habeyn lagu sameeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay awood u leedahay inay ka baxdo heshiiskaan, hadii ay u aragto inuusan la jaan qaadi karin danaheeda.

“Ujeedada heshiiskaan waxay ku kooban tahay ilaalinta danaha amni ee dalalka gobolkaan Bariga Afrika, sida ku cad qodobkiisa 3-aad,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Hoos ka daawo