Maxaa dhacaya haddii BF uu diido heshiiska doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qodobka 11-aad ee heshiikii Villa Somalia looga gaaray arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa ku qoran: Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.

Balse, su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah maxaa dhacaya haddii baarlamanka uu ansixin waayo, xilli xildhibaanada lagu tuhmayo inay doonayaan muddo kororsi.

Prof Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Qadar una waramayay BBC-da, ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqan galayo haddii baarlamanka ay meel-mariyaan iyo haddii kaleba.

“Anigu intaan ka fahamsanahay xataa haddii ay ka horyimaadaan waa laga soconayaa oo cidna u istaagi mayso waayo waa niman in ay sii joogaan raba ayaa la leeyahay, go’aan ka gaara,” ayuu yiri ayuu yiri Prof Afyare Cabdi Cilmi.

Waxa uu kula taliyey inay sharcigan is-dhaafiyaan oo ay deg deg u meel mariyaan.

“Horta golaha shacabku wax uu gaar u leeyahay oo goalaha kale aanu la laheyn waxaa weeye waxaan inaaney u fahmin awood ay leeyihiin’e, in ay is dhaafiyaan ayaa la qaatay,” ayuu yiri Prof Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Qadar una waramayay BBC-da.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal laga talo-geliyey heshiiskan ka hor inta aan qalinka lagu duugin, uuna diyaar u yahay inuu u meel-mariyo, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Maxamed Mursal iyoi ku xigeenkiisa Cabdweli Ibraahim Muudey ayaa sidoo kale ku xiran oo xulufo la ah madaxweynaha, lamana filayo inay caqabad noqdaan.