Maxay tahay halka arrin ee ay isku qanciyeen madaxda DF iyo M/goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo khudbad ka jeediyey munaasabad casho sharaf aheyd oo xalay lagu qabtay Villa Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirarkii madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka kala dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Qoor Qoor ayaa shaaciyey in lagala foogaa arragti ahaan intii ay socdeen shirarkaas, balse labada dhinac ay isku qanciyeen hal arrin, taas oo ah danta guud ee Qaranka.

“Waxa aan isu qancinay si danta guud loo gaaro oo walaaltinimo leh, mararka qaar waxa aan kala aragti duwanaanay Madaxweynayaasha DG Puntland iyo Jubbaland oo ugu dambeyn dhankooda wax ka sameeyay tanaasulka” ayuu yiri yiri Qoor Qoor.

Sidoo kale wuxuu faah faahin ka bixiyey shirarkii koowaad, labaad iyo saddexaad ee ka dhacay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xusay in dadaal badan oo aysan u kala harin madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada lagu gaaray xalka siyaasadeed ee dalka.

“Waxay ahayd Waqti muhiim u ah qaranka oo lasoo gaaray laguna soo dhawaaday doorashadii, taas oo ah in afartii sanaba mar ay dhacdo doorasho, howsha waxaa la dhameeyay iyada oo aan cidi ku dhex jirin oo ay isu madax bannaan yihiin madaxda dowladda & kuwa dowlad goboleedyada.” ayuu sii raaciyey Madaxweyne Qoor Qoor.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada xal ka dambeys ah arrimaha doorashooyinka ay ka gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey shirar gaar-gaar ah ku lahaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.