Xog: Maxaa fashiliyey waa-waantii laga dhex waday Ahlu Sunna iyo Galmudug?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa fashil ku soo dhammaaday waan-waantii laga dhex waday Ahlu Sunna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug, si loo qaboojiyo xiisadda dagaal ee haatan ka taagan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in fashilka uu yimid, kadib markii ay Ahlu Sunna ka laabatay go’aankeedii hore ee ahaa in ciidamadeeda laga saaro magaalada iyo in gaadiidkii ay ka qabsatay Galmudug wareejiso, sida ay ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa ka biyo diiday in Guriceel lagu soo celiyo maamulka magaaladaasi ee dhinaca Galmudug, sida aan xogta ku helnay.

Waa-waantan ayaa waxaa waday odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Galmudug, waxaana gabi ahaan hakad galay dadaalladii socday.

Arrintani ayaa uga sii dareyso xaaladda cakiran ee haatan ka taagan gobolka Galgaduud, taas oo u dhexeyso Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya Guriceel ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay haatan xirtay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa magaaladaasi.

Ciidamada dowladda ayaa dhankooda isku hareereeyey Guriceel, waxayna wadaan guluf dagaal oo ka dhan ah Ahlu Sunna Waljamaaca.