Maxaa horyaalla Madaale – Ma yahay dooqii saxda ahaa ee Muqdisho ku habboonaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa todobaadkaan magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahn duqa magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh ayaa dib usoo celiyey Yuusuf Xuseen Jimcaale oo xilkaan horey usoo qabtay xilli maamuleedkii hore ee Xasan Shiikh.

Yuusuf Madaale wuxuu noqday guddoomiyihii ugu dambeeyey ee uu Xasan Shiikh u magacaabay Banaadir inti iaan loogaga adkaan doorashadii 2017 haddana uu xafiiska kusoo noqdayna isla Madaale ayaa noqday qofkii koowaad ee uu kursigaan siiyo.

Dad badan ayaa dood ka keenay inuu Xasan Shiikh dhowr bilood ka fakarayey magacaabista Yuusuf Jimcaale oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon xisbigiisa UPD.

Dooda laga qabo go’aanka uu Madaale ku magacaabay waxaa ka xoog badan in madaxweynaha lagu duray sida uu shacabka ugu muujinayey inuu yahay in ka fakaraya wax badan oo isbadal iyo cuseeb ah.

Horey isaga iyo ra’isulwasaare Xamze 40 maalmood ayey ku qaadatay inay dhisaan xukuumad 60% xisbigooda ah. Daahintoodu waxay mar walba dhalineysay dareen ah inay wax cusub raadis ku jiraan, laakiin waxay kusoo dhamaaneysay isla xisbiga madaxweynaha ee UPD.

Guddoomiyaha todobaadkaan la magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu heystaa diiwaan isku milan marka laga hadlayo shaqada gobolka Banaadir.

Kal-xukunkiisii hore dhismaha waddooyinka ayuu xoogaa wax ka qabtay, laakiin wuxuu ku guuldarestay inuu siyaasad ahaan u kobciyo gobolka oo uu matalaad u dalbo.

Inuu dhaqaalaha kobciyo, inuu dhimo lacagaha Shabaabka ka qaataan magaalada, inuu amniga wax ka qabto iyo inuu casriyeeyo hanaanka maaliyadeed ee gobolka Banaadir ayaa kamid ah waxyaabaha lagu duro kal-xukunkiisii hore.

Sidaas oo ay tahay diidmada laga qabo xilligaan aad uma xoogana. Magacaabistiisu waxay sii xoojisay inay dadku daawanayaan mid aan wax badan ka duwaneyn dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Caqabadaha yaalo magaalada Muqdisho xilligaan iyo guddoomiye Madaale inaysan is aqrin karin ayey dadka qaarkiis qabaan , laakiin marka la eego 5 sano oo uu mucaarad ahaa iyo dhowr goobood oo uu ka iftiimiyey ciladaha magaalada waxaa jira iyaguna dad qaba inuu badali karo hab-maamulkiisii hore.

Marka loo eego farqiga u dhaxeeyo waqtigiisii hore iyo xilligaan, guddoomiye Madaale wuxuu kusoo aadayaa waqti aad xasaasi u ah. Waa xilli amni xumadu ay meel halis ah gaartay.

Madaale wuxuu imaanayaa iyadoo ay Al-Shabaab laba jibaartay lacagaha ay ka qaadato dadka gobolka Banaadir . Dekadda magaalada Muqdisho ayaa kamid ah meelaha la hadal hayo inay lacagta ugu badan kaga timaado Al-Shabaab.

Shaqo la’aanta dhallinyarada gobolka Banaadir ayaa xoogeysatay iyadoo dhinaca kale aan la inkiri karin dhibaatada dadka reer Muqdisho ee is maalgeliya kala kulmayaan ciidanka dowladda.

Guddoomiyaha dhawaan la magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu imaanayaa iyadoo Muqdisho loo ogolaaday inay ka qeybgasho shirarka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada taasoo bilaabatay xilligii uu Thaabit Cabdi ahaa duqa magaalada Muqdisho.

Marxaladaan cusub Waxay dadka reer Muqdisho aad uga hadlayaan muhiimada ay leedahay matalaad ay ku yeeshaan aqalka sare iyo helista maqaamka caasimadda.

Inkastoo uusan Madaale xilli maamulkiisii hore taas gacan u qaadin, balse hadda waxay u badan tahay inuu faham badan ka heysto inaan taas laga dhuuman karin oo ay ahmiyad tahay.

Madax banaani amni ayaa kamid ah waxyaabaha ay Muqdisho naawileyso waxaana loo badinayaa inuu Madaale taa ka heli karo saaxiibadiisa xisbiga UPD laakiin inuu diyaar u yahay inuu mas’uuliyadda amniga lasoo wareego lama oga.

Maadaama aysan xiiso badan abuurin dib u magacaabista Madaale, isaga ayey hor taalaa inuu la yimaado waxqabad xiiso leh oo soo jiidan kara dareenka shacabka.