Mucaaradka Somaliland oo qorsheynaya inay qaadan saddex arrin oo waaweyn

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa shaaciyay inay qorsheynayaan in maamuus ka xayuubin ku sameeyaan madaxweyne Muuse Biixi oo kala dhaxeeyo muran xoogan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale sheegay in mucaaridka uu qorsheynayo banaanbaxyo waaweyn iyo inay qabtaan shir qaran oo lagu samata-bixiyo xaalada cakiran ee Somaliland.

“Bisha September haddii aan laga heshiin doorashadii madaxweynaha, Muuse madaxweyne ma aha. Waxaa noo yaalla miiska Mudaharaad, xafiisyo la tagi maayo mudaharaadka aan qabaneyno ee Madaxtooyada lagu mudaharaadaya halkay awoodu joogto.” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

“Waa la kala bixi doona haddii qalalaaso yimaado oo midnimo iman weydo. Ragga u sabcinaya Ina Biixi eega khataraha nagu waregaysan. Somaliland hore dhibaato umanu geysan ka u geysanaya ayaa ka qabaneyna ee burburinaya tacabkeena iyo midnimadeena.”

Guddoomiye Faysal ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan aqbali doonin muddo kororsi ay sameeyaan Golaha Guurtida oo uu sheegay inay sharci darro ku fadhiyaan.

“In hadyad lagu siiyo kordhis yeeli mayno, himika ayaa ku leenahay dhac-dhac, dadku wey ku naceen. Rag aan dhibaato mooyi aan waxba nagu laheyn yeysan isku kaaya dirin. Si mideysan waa in aan jooji u nidhaahna.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay meel uga soo wada-jeestaan fowdada uu wado Muuse Biixi, isaga oo tilmaamay inay iska celin doonaan Muuse iyo kooxdiisa haddii xaalku sidan uu kusii socdo.