Xog: Maxay wakiiladii ka socday Xasan Sheekh kala laabteen kulankii beesha Galmaax? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan qaatay saacado badan oo ay yeesheen siyaasiyiinta, odayaasha iyo saraakiisha ciidan ee beesha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal ayaa kusoo geba-geboobay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay guriga xildhibaan Cismaan Xaadoole, ayaa waxaa ka qeyb-galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaashii hore ee gobalka Banaadir Jenaraal Muungaab iyo Cadde Gaabow, Yaasiin Maaxi, Yaasiin Geedi, Korneyl Masdile, Cusmaan Xaadoole iyo xubno kale. 

Kulanka ayaa markii hore dhexmaray siyaasiyiintan iyo xildhibaano matalayey madaxweyne Xasan Sheekh oo ay hoggaaminayeen Yaasiin Farey iyo Maxamed Cajiib oo madaxweynuhu usoo diray inay dejiyaan beesha Galmaax.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu isku dayayo inuu dejiyo xiisadda ka dhalatay magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir, oo uu shalay u magacaabay Yuusuf Madaale kadib markii uu ka baxay ballan uu horey uga qaaday beesha Galmaax oo ah tan ugu badan ee degta gobolka Banaadir. 

Xasan Sheekh ayaa Yaasiin Farey iyo Maxamed Cajiib usoo dhiibay farriin aheyd in beesha Galmaax ay dejiso xiisadda islamarkaana uu xallin doono tabashada jirta.

Hase yeeshee, waxaa taas diiday beesha ayada Cusmaan Xaadoole uu ku eedeeyey madaxweynaha inuu albaabada ka xirtay oo uu diidanaa xitaa inuu la kulmo tan iyo markii la doortay, balse hadda oo uu wax walba haleeyey aysan waxba ka dhageysaneyn.

Xubno ku sugnaa kulanka ayaa Caasimada Online u sheegay inuu natiijo la’aan ku dhammaaday islamarkaana kooxdii ka socotay Xasan Sheekh ay miiska keeneyn wax aan u cuntamin beesha.

Waxaa kadib kulanka isugu haray xubnaha beesha Galmaax, oo isku raacay inaan la daalin raadinta xuquuqda beesh, waxayna eedeyn culus u jeediyeen madaxweyne Xasan Sheekh oo ballanta uga baxay.  

Ma ahan markii ugu horreysay ee Xasan Sheekh uu dagaal ku qaaday beeshan, waxaana la xusuustaa in muddo xileedkiisii koowaad uu xilka ka qaaday xubno badan oo beeshan ka mid ah sida guddoomiyihii gobolka Muungaab, safiirkii Kenya Maxamed Cali Ameeriko, safiirkii Midowga Yurub Allah ha u naxariistee Nuur Cadde iyo safiirkii Imaaraadka Carabta.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka jira dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh islamarkaana lagu diidanyahay go’aanka madaxweyne ee lagu magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir, waxana laga cabsi qabaa inay ciidamo soo galaan magaalada.