Maxaa ka cusub dagaalka Azerbaijan iyo Armenia?

Baku (Caasimada Online) – Rajadii laga qabay xabad joojin ay Ruushku dhexdhexadiyeen oo ay gaareen Azerbaijan iyo Armenia ayaa maanta oo Axad ah sii xumaatay, iyadoo labada dhinac uu midba kan kale ku eedeeyay duqeyn ba’an oo lala beegsaday goobaha rayidka ayna sii kordheyso laba toddobaad oo iska horimaadyo aad u daran ay ka dhex socdaan labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Azerbaijan ayaa sheegtay in madaafiic habeenimadii xalay ciidamada Armenia ay ku garaaceen magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Ganja ay ku dhinteen 7 qof, halka 33 kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan caruur, tani oo imanaysa wax ka yar 24 saac ka dib goortii lagu waday inay bilaabato dhaqangalka xabbad joojinta.

Kooxaha badbaadada ee koofiyadaha cas ayaa galay howlo ay ku raadinayaan calaamadaha dad ka badbaaday gantaallaha sida uu wariye ka tirsan AFP oo ku sugan magaalada soo wariyay. Hal qof ayay ka soo badbaadiyeen goobta burburka oo loola cararay isbitaalka.

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga ee gobolka gooni u goosadka ah ayaa Axadda maanta ah sheegay in ciidamada Armenia ay ixtiraamayaan xabad joojinta bani’aadamnimo iyadoo uu dhinaca kale ku eedeysay Azerbaijan in ay duqeysay aagag ay deggan yihiin dad rayidka ah.

Sheegashooyinka ah in ciidamada Armenia ay mas’uul ka ahaayeen duqeynta Ganja ayay wasaaraddu ku sheegtay kuwa been abuur ah.

Heshiiska ah in la joojiyo colaadda si la isu weydaarsado maxaabiista iyo meydadka dadka lagu dilay labo toddobaad oo uu dagaal ka socday gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh ayaa waxaa isku raacay wasiirrada arimaha dibada ee Armenia iyo Azerbaijani oo ku wadahadlay Sabtidii magaalada Moscow.

Xabbad joojinta ayaa si rasmi ah u dhaqan gashay duhurnimadii Sabtida laakiin labada dhinac ayaa durba bilaabay in uu midba kan kale ku eedeeyo inuu ku xadgudbay xabbad joojinta.