Cali Cosoble oo arrin yaab leh ka sheegay xafiiska R/W Rooble haddana ka laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynahii hore Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa beeniyay war qoraal ah uu kusoo qoray bartiisa facebook-ga kuna sheegay in akoonkiisa la jabsaday.

Barqadii maanta ayaa bogga masuulkaan ee Facebook lagu soo qoray qoraal uu kaga hadlayo isbaaro uu sheegay iney taallo xafiiska Ra’isul wasaaraha cusub, waxaana qoraalkaas uu u qornaa sidaan:

“Raiisul wasaare Rooble wuxuu noqday raiisulwasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya. Xafiiskiisa waxaa ka socota howl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad laaluush bixiso si laguugu gudbiyo. Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay. Laba ka mid ah kuwa protocolka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiyay inaan bixiyo lacag 300 dollar ah si la iigu sameeyo ballan official ah,” ayuu yiri.

Qoraalkaan wuxuu qirayaa in Cali Cabdullaahi Cosoble la weydiiyay lacag laaluush ah oo gaareysa 300 Doolar si loogu gudbiyo ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, balse waa laga tiray qoraalkaan bartiisa.

Saacado kadib ayuu masuulka mar kale soo qoray in akoonkiisa la jabsaday isla markaana uusan shaqo ku laheyn warkii lagu soo qoray, wuxuuna qoraalkiisa dambe ku yiri:

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka raali gelinayaa in maanta faceboogeyga la jabsaday war been abuur ahna lagu soo qoray. Raiisulwasaaraha iyo xafiiskiisa waan ku xiranahay cilaaqaad wanaagsan ayaana naga dhexeeya. Faceboogeyga waan soo ceshtay ee saa ha la ogaado”

Dadka siyaabo kala duwan ayey uga falceliyeen, iyagoo badankood kula kaftamaya masuulka iney dib kala xumaatay wixii uu soo tabiyay oo ka jiray xafiiska Ra’isul wasaaraha cusub.