Maxaa ka dhalan kara is hortaagga siyaasiyiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Xuseen Seekh Maxamuud oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare Soomaaliya ee oo muddo xileedkeedu dhammaaday ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, kadib wareysi uu bixiyey.

Xuseen Sheekh ayaa dhaliilay sida ay hadda ku socota doorashada, wuxuuna tilmaamay inay daahday, ayna tahay magacaabis uun ama xulasho, sida uu hadalka u dhigay.

Senatarka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kuraasta la boobay iyo sidoo kale is hortaagga lagu sameeyey qaar ka mid ah musharixiinta xil doonka ah.

Wareysigan ayuu Senator Xuseen Seekh Maxamuud ku sheegay in tallaabooyinka lagu beegsaday musharixiinta ay keentay sad bursi iyo nin jecleysi, si tartanka looga reebo.

“Waxaan dhihi karnaa waxaa keenaaya sad bursi iyo wax jecleysi gaar ah iyo ma taqaanaa in hami siyaasadeed ay dadku leeyihiin, gaar ahaan kuwa markaas maamulka haaya,” ayuu yiri Senator Xuseen Sh.Maxamuud oo wareysi siiyey Universal.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay ka dhalan karto cuqubo siyaasadeed iyo dowlad xumo, maadaama ay aar goosi ku fakiri karaan siyaasiyiinta la hor istaagay.

“In siyaasiyan la’isaga aar goosto ayaa ka dhalan karta, cuqubo siyaasadeed ayaa ka dhalan karta, dowlad xumo ayaa ka dhalan karta,” ayuu sii raaciyey.

Maalmihii dambe ayaa waxaa sii kordhayey musharixiinta xil doonka ee laga reebayo tartanka, waxaana ugu dambeeyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo loo diiday inuu u duulo Baydhabo, si uu uga qayb-galo doorashada Golaha Shacabka.