Cirro oo war kasoo saaray doorashada Somaliland, kana horyimid qorshaha…

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Wadani, Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Somiland, gaar ahaan doorashada maamulkaas, isaga oo weerar afka ah ku qaaday xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Cirro ayaa si weyn uga horyimid qorshaha xukuumada Somaliland ay ku doonayso in ay kusoo hormariso doorashada ururada, wuxuuna sheegay in aysan suuragal aheyn.

“Labada doorasho ee axsaabta qaranka iyo golaha guurtidu way ka danbaynayaan ta madaxtooyada” ayuu yiri siyaasiga mucaaradka ee Cirro.

Musharraxa ayaa sidoo kale sheegay in haatan uusan muran ka jirin doorashada madaxweynaha, isla-markaana la galayo, maadaama la joogo xilligeeda.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ku loolami doonaan doorashadaas saddexda xisbi ee hadda jira Kulimiye, Ucid iyo Wadani.

“Shacbiga Somaliland waxan u sheegaya in doorashadii madaxtooyadu ku mudaydsantahay 13, November, 2022, cid ku muran sani ma jirto cid ku murmi kartaana ma jirto, waxa galaya oo sharci ah saddexda xisbi qaran ee hada jira,” ayuu markale yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in doorashada madaxtooyada ay u dhan yihiin xeerarkii lagu maamuli lahaa iyo miisaaniyaddii lagu hirgelin lahaa.

“Doorashada madaxtooyada Somaliland, waa doorashada kaliya ee ay u dhanyihiin, xeerkii lagu maamuli lahaa, farsamadii iyo miisaaniyadii lagu hirgalin lahaa” ayuu sii raaciyey.

Somaliland ayaa waxaa ka jira jiitan doorasho oo u dhexeeyo xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada oo si weyn isku hayo, islamarkaana hadallo kulul isku marinayo warbaahinta.