Shabaab oo weerar culus ka fulisay Kenya + Khasaaraha

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab xalay saq dhexe ku qaadeen qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac intaba.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Kenya iyo raggii weerarka qaaday oo beegsaday xero ku taalla deegaanka Konton oo hoostaga Wajeer.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah askarta Kenya ee ku sugneyd halkaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadlay dhacdadan ayaa waxay ay sheegeen inay haatan wadaan howl-gallo lagu baadi goobayo dableyda fulisay weerarkaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab oo ka hadashay ayaa sheegtay inay ku dishay weerarkani sarkaal ka tirsanaa Kenya, isla-markaana ka howl-galayey deegaanka Konton.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Wajeer oo ah meesha ay weerareen Al-Shabaab.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro culus ku qaada gudaha dalka Kenya, iyaga oo beegsada saldhigyada ciidamada dalkaas ay ku leeyihiin xadka Soomaaliya.