Maxaa ka jira inuu khilaaf soo kala dhex galay Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah websiteyada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa lagu qoray inuu jiro Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa arrintaas dabagal ku sameystay waxaana xiriir toos ah la sameynay xafiisyada labada Mas’uul.

Sida ay noo kala xaqiijiyeen xubno ka kala tirsan labada Xafiis ilaa hadda ma jiro Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Inkastoo labada Mas’uul ay ka dhaxeyso shaqo isla markaasna lagu kala duwanaan karo waxyaabaha qaar haddana ma jiro ilaa hadda sida aan xogta ku helnay Khilaaf gaaray Mooshin.

Baraha Bulshada ayaa qoray inuu Madaxweyne Farmaajo ku amray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inuu xilkiisa iska casilo kadib markii ay is khilaafsan, mana aheyn ilaa hadda wax arrintaas xaqiijin karo.

Baraha Bulshada ayaa lagu qoray inay labada Mas’uul isku qabteen xil ka qaadistii lagu sameeyey Taliye xigeenadii Nabadsugidda iyo xilal kale oo dad Mas’uuliyiin ah laga qaaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey u ballan qaaday inaysan is khilaafi doonin isaga iyo Ra’isulwasaaraha uu magacaabo, wuxuuna Kheyre ku tilmaamay inuu yahay nin shaqadiisa kasoo bixi karo dalkana anfici karo.

Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com