Sawiro: Beelaha Hawiye oo maanta caleemo saartay afhayeen cusub, Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiin, Odayaal dhaqameed, Culumo, aqoonyahanno iyo Haween ayaa kasoo qeybgalay xaflad ka dhacday magaaladda Muqdisho oo afhayeenka odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye loogu caleema saarayay Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiriye oo ah wiil uu dhalay Alle ha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye oo afar bilood ka hor geeriyooday.

Senator Cabdi dhuxulow dhegdheer oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay ay muhiim tahay in la xoojiyo kaalinta dhaqanka ee beelaha Hawiye, waxa uuna u hambalyeeyay afhayeenka cusub.

Axmed Cabdi kaahiye (qoorqoor) wasiiru dowlaha howlaha guud oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay door muhiim ah kasoo qaateen odayaasha dhaqanka walina ay lagama maarmaan tahay in dowladnimada ay doorkooda ka qaataan.

Qoorqoor ayaa intaas ku daray in uu si fiican u yaqaano afhayeenka cusub waxa uuna kula dardaarmay in uu si fiican ula shaqeeyo qeybaha kala duwan ee dadka uu matalo, isaga oo intaas ku daray in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhageysato fariimaha dhaqanka Soomaaliyeed.

Siyaasi Salaad Cali Jeele, Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiye Cadde Gaabow, ugaasyo iyo odayaal dhaqan oo xafladda ka hadlaya ayaa dhammaantood hambalyeeyay afhayeenka cusub ee beelaha Hawiye.

Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa isna soodhaweeyay afhayeenka cusub waxa uuna ballanqaaday in ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan.

Nabadoon Cabdinuur Nabadoon Axmed Diiye oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabadda ayaa ka codsaday dhammaan odayaasha dhaqanka ee Hawiye in ay ku garab galaan xilka cusub ee loo caleema saaray maanta.

Xildhibaanada kasoo qeybgalay munaasabadda waxaa ka mid ahaa, Xildhibaana Mahad Salaad, Xildhibaana Maxamuud Abuukaate, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Senator Cabdi dhuxulow dhegdheer iyo Senator Yuusuf Geele Ugaas.