Maxaa ka socda Garoowe caawa kadib dagaalkii maanta? + Khasaaraha oo kordhay

Garoowe (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Garoowe oo maanta dagaal culus uu ka dhacay ayaa waxay sheegayaan in caawa maqribkii uu dagaalka ka istaagay magaalada, hase yeeshee saqdhexe kadib la maqlayey rasaasi.

Maqalka rasaasta ayaa imaneysa ayada oo labada dhinacba ay caawa aqbaleen xabad joojin ay ku dhowaaqeen isimada.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo taabacsan kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda go’aanka baarlamaanka Puntland ee mudo kordhinta xukuumadda hadda jirta iyo maamulka.

Dadka shacabka ayaa billaabay inay isaga cararaan guryahooda, iyadoo magaalada laga dareemayo barakac ballaaran.

Ciidamadii dagaalamay ayaa is hor fadhiya, waxaana suuragal ah in dib u qarxo dagaal ka culus rasaasta la maqlayo xili kasta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in khasaaraha dagaalku uu kordhay, in kastoo aysan jirin cid faahfaahin rasmi ah ka soo saartay, hadana waxaa la sheegay in ka badan 26 qof inay dhimatay, 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xiligii uu dagaalka qarxayay wuxuu fadhi u socday baarlamaanka Puntland oo go’aanka mudo kororsiga meel marinayey, iyadoo markii dagaalku qarxay ay xilidhibaanadii kulanka fadhiyey oo dhamaa 35 ay doodoodii iska sii wateen ilaa ay ka ansixiyeen in wax laga bedelo dastuurka.

Isimada, waxgaradka iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa billaabay dadaal lagu doonayo in xabadda lagu joojiyo, isla markaana ay labada dhinac ka aqbaleen in xabadda la joojiyo, si xal loo gaaro.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu baaqay labada dhinac inay dagaalka si shuruud la’aan ah u joojiyaan, una turaan shacabka, xabadna aysan xal noqon, wuxuuna cadeeyay in laga baaqsan karay xabadda.

Dowlad goboleedka Puntland madaxdeeda ayuu ugu baaqay Boqorku inay illaahey dartii ugu baqaan oo shacabka ay u turaan.

Taliyaha Booliska Puntland Muumin Cabdi Shire ayaa isna sheegay in dagaalku uu ka bilowday fadhigii baarlamaanka furitaankiisa, iyadoo shaqadooda watayna lasoo weeraray, sidaasna ay ciidamada boolisku u difaaceen sharciga.

Taliyaha ayaa cadeeyey in dagaalkaas uu istaagay, raggii weerarka soo daaqana ay ka qabteen gaadiid, maxaabiis iyo sanad ciidan, isla markaana ay ka sareen magaalada, iyagoo difaacaya dowladnimada Puntland, sida uu sheegay.