Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.
Madaxweynuhu wuxuu xooga saari doonaa sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, isla markaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulammo la qaada doona masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda hey’adaha caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogo Mareykanka wuxuu xoogga saari doonaa sidii loogu heli lahaa taageero caalami ah dagaalka dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed argagixisada, xasilinta deegaanada laga xoreeyay iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.
Dhinaca kale, Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa u ambabaxay wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Masuuliyiintaan ayaa ka mid ah xujeyda sanadkaan soo gudaneysa waajibaadka Xajka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa umadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryay in dhibaatooyinka ragaadiyey dowladnimadooda uu ka dulqaado, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la is cafiyo oo laga wada shaqeeyo horumarka dalka.
Hoos ka daawo