Maxaa kala soctaa sababta ay Norway uga biya diiday inay Hub ka iibiso dowlada Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Norway ayaa daaha ka rogtay in hakat la galiyay Hub la sheegay in laga iibin lahaa dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Norway, ayaa waxaa lagu sheegay in amarka lagu hakinaayo iibinta Hubka uu kasoo baxay qasriga looga arimiyo Norway.

Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu cadeeyay in sababta ugu weyn ee loo hakinaayo beecinta Hubka ay tahay in dowlada Imaaraadka Carabta ay dooneyso in Hubkaasi culus ay u isticmaasho gumaadka ka socda dalka Yemen.

Waxa ay Wasaaradu si rasmi ah u xaqiijisay in gebi ahaan hubkii ay ka iibin jirtay dowlada Imaaraatiga la joojiyay, waxaana la xaqiijiyay in dalka Yemen laga helay Gantaalo ay ka carareen xulafada Sacuudiga oo laga soo iibiyay Norway.

Sidoo kale, dowlada Imaaraatiga oo kamid ah xulafada Sacuudiga ee ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda wadanka Yemen ayaan weli ka hadlin go’aankan kasoo baxay Norway oo kamid ah dalalka Yurub oo ay Imaaraatiga hubka kasoo gadan jireen.

Dhinaca kale, go’aankaan kasoo baxay dowlada Norway ayaa yimid kadib markii qoraal kasoo baxay Hay’adaha iyo dadka u dooda Xaquuqul Insaanka ay cadeymo u keeneen in Hubka ay Norway ka iibiso Imaaraadka loo isticmaalo xasuuqa ba’an ee ka socda Yemen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com