Sanoter Xuseen ‘’Waxa ay Seddexda Wasiir ku raastooda ku waayen xal u raadinta dano gaar ahaaneed ee Qaran maaheyn’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Somalia ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aanka uu Ra’isul wasaare Kheyre xilka uga qaaday Seddexdii Wasiir ee ka tirsanaa Xukuumadiisa.

Xildhibaanada qaar ayaa taageeray go’aankaasi, halka qaarna ay ku tilmaameen mid lagu xalinaayay dano Siyaasadeed oo kaliya.

Sanoter Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay Seddex Wasiir ay imaaday xili uu dalka ku jiro marxalad  adag.

Sanoter Xuseen Sheekh ayaa sheegay in xil ka qaadista Seddexda Wasiir ay aheyd mid loo fiirinayey dan shaqsiyadeed balse aysan aheyn mid ku jirta danta guud ee  dalka.

Waxa uu sheegay Sanoter-ka in dadka qaar ay moodan in isbedelka uu ahaa mid loogu daneynaayo Qaranka, hase ahaatee waxa uu cadeeyay inuu ahaa mid ku xeeran dano shaqsiyadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa ku daray in sababta xilalka looga qaaday aysan aheyn in ay isbedel ka sameeyaan xiisadaha Siyaasadeed ee dalka ka jira, hase ahaatee xal loo raadinaayay dano qabyo u ahaa Madaxda.

Waxa uu intaa sii raaciyay hadalkiisa in xil ka qaadista iyo magacaabida la sameeyay aysan dawo u noqon doonin dhibaatooyinka jira.

Dhinaca kale, dhinacyada mucaaradka ayaa u muuqanaaya kuwo dano gaar ahaaneed u burburinaayo Qaranimada Somalia, waxaana is weydiin mudan sababta keentay in Xildhibaanada ay danahooda ku dabaqaan maslaxada umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com