Kheyre oo booqasho kadis ah ku tagay dekadda Muqdisho xili ay ka jirto…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa gaaray Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa u kuurgalaayay hannaanka shaqo ee Dekadda Muqdisho, waxa ayna ku qotontay booqashadiisa sidoo loo ilaalin lahaa dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda.

Kheyre ayaa inta uu ku guda jiray booqashadiisa Dekadda kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda iyo maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso Dekaddu.

Waxa uu Kheyre Wasirka iyo mas’uuliyiinta kale ka wareystay caqabadaha ka jira Dekadda iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay Dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu kulanka ka sheegay sida ugu haboon ee looga fogaankaro wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Mas’uuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa carabka ku adkeeyay inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda, wuxuna kula dar-daarmay maamulka Cusub in ay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso Dekaddu.

Si kastaba ha ahaatee, Kormeerka uu Ra’iisul Wasaare Khayre u tagay Dekadda Muqdisho ayaa qeyb ka ah qorshaha isla xisaabtanka Xukuumadda, si loo dhaqan geliyo hanaanka casriga ah ee dowlad wanaaga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com