Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii August ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo u muuqaal ekaa kuwo ay fashiliyeen ciidamada dowlada.
Qaraxyada bishii August ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u badnaa kuwo lagu soo xiray gawaari oo la dhigay hareeraha waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan wadada Makka Al-Mukarama.
Qaraxyada dhacay bishii August ayaa aad uga yaraa kuwii dhacaayay bilihii ka danbeeyay waxaana bishaani dhacay 7 Qarax oo kala ahaa:
1-August 4, 2017, Qarax gaari ayaa ka dhacay maqaayad ku dhow Isbitaalka Daaru Shifa iyo Hotel Ambasaador, kaa oo maraayay wadada xiliga uu Qarxaayay.
2-August ,10, 2017, Qarax laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada ah ayaa ka dhacay agagaarka Carwo Alkowther waxaana ku dhaawacmay Seddex ruux oo shacab ahaa.
3-August 11, 2017, Qarax nuuciisa uu yahay Ismiidaamin, ayaa ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan afafka hore ee Masjidka xili ay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada ku dukanayeen Salaada Jimco, waxaana ku dhintay laba ruux oo midi uu yahay naftii haligaha.
4-August 14 2017, Gaari uu watay nin Taksiile ka shaqeysta Garoonka Aadan Cadde, ayaa lagu qarxiyay meel aanan ka fogeyn Garoonka, kadib markii waxyaabaha qarxa loogu xiray gaariga.
5-August 17 2017, Qarax loo badinaayo in lagu aasay hareeraha wadada ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Laba Dhagax, gaar ahaan agagaarka Sarta Catarka, ee Degmada Wardhiigley waxaana ku dhaawacmay laba ruux.
6-August 22, 2017, Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa Qarax miino lagula eegtay Ex-kontorool Balcad ee Magaalada Muqdisho.
7-August 27, 2017, Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan eeryada Hoteel Mubaarak oo ku dhow Isgooyska Xaaji baasto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

