Garoowe (Caasimada Online) – Sida aan horay u sheegnay waxaa magaalada Garoowe ku kulmay Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
Shirka labada mas’uul oo qaatay ku dhawaad labada saac ayaa waxaa diirada lagu saaray sida Cabdiraxmaan Farole uu Dowlada Somalia garab ugu siin lahaa in maamulka Puntland ay aqbasho in qaabka doorahso ee Somalia loo maro nidaamka 4.5 oo lagu soo xuli doono xildhibaanada cusub ee dooran doona Madaxweynaha uu yeelan doono dalka.
Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo dadaal dheer ku bixinaayo sida ay Puntland ku aqbali laheyd Nidaamkaasi ayaa waxa uu Faroole u sharaxay qaabka ay Xukuumada Somalia u wado howlaha lagu doonaayo in lagu hirgaliyo doorasho cadaalada ku saleysan waxa uuna Sharmaarke Faroole u cadeeyay in dhammaan howlaha arrintaasi ku aadan ay soo afjareen kaliya marka laga reebo Puntland oo ku adkeysaneysa mowqifkeeda.
Ra’isul wasaare Sharmaarke oo muujinaaya dabacsani Siyaasadeed ayaa Faroole u sheegay in looga baahan yahay in inta itaalkiisa uu Maamulka iyo Odayaasha Puntland kala hadlo inay aqbalaan nidaamka 4.5, bacdamaa wakhtiga uu yahay mid is guraaya.
Sharmaarke waxa uu Faroole u qiray in miisaankiisa uu wali yahay mid ay aqbalsan tahay Dowlada, loogana baahan yahay inuu tixgaliyo mas’uuliyada ay Dowladu dusha ka saartay ee ah inuu dhex dhexeed u noqdo labada dhinac.
Sharmaarke ayaa sidoo kale C/raxmaan Faroole dhagtiisa ku dhibciyay in isaga iyo Wafdigiisa aysan Garoowe ka laaban doonin ilaa laga aqbalo in Puntland ay dib u aqbashay nidaamka 4.5, waxa uuna Sharmaarke sheegay in laga wanaagsan yahay in Beesha Caalamka ay mar waliba dhex dhexaad ka noqoto Siyaasiyiinta Soomaalida.
C/raxmaan Faroole oo ka mid ahaa masuuliyiintii horay u saxiixay inaan dib nidaamka 4.5 doorasho loogu salayn ayaa ka mid ah xubanaha sida weyn u muuqda ee ka soo horjeeda in Somalia dib loogu cesho 4.5, inkastoo saacadihii ugu danbeeyay uu xushmad iyo dabacsani u muujiyay Sharmaarke.
Faroole waxa uu sheegay in dhammaan Umadda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad ka saaran tahay in laga wada shaqeeyo Somalia oo nabad iyo kala danbeyn isku maamuleysa, balse waxa uu Ra’isul wasaaraha u sheegay in wakhti badan uu ku bixin doono sidii uu uga qeybqaadan lahaa in Puntland ay aqbasho 4.5.
Faroole waxa uu sidoo kale, Ra’isul wasaare Sharmaarke ka codsaday in daacad loo noqdo heshiisyada ay wada galaan Dowlada iyo maamulada dalka, isaga oo raji u muujiyay Sharmaarke.
Faroole waxa uu Sharmaarke kulankaasi ugu ballanqaaday inuu wakhti galin doono in Madaxda Puntland iyo Odayaasha uu dhinacyo badan ka tuso xaalada lagu jiro si loo muujiyo tanaasul, inkastoo uusan sheegin waxa uu ahaan doono heshiiskooda.
Maamulka Puntland ayaa horay xubno ka socday beesha caalamka oo uu hogaaminayey ergayga xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating ka diiday inay qaadato nidaamka 4.5ka, balse hadda waxaad moodaa in leysaga soo dhawaaday ad adeegii ay labada dhinac adeegsanayeen.
Geesta kale, Cumar Cabdirashiid ayaa marar badan ku celceliye in aan waqti loo heli karin nidaamka degmooyinka oo ay u baahan tahay waqti intaas ka badan, sidaa aawgeedna ay Puntland dhinac waliba ka tusi doonaan duruufaha taagan ee aan saamixi karin nidaamkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

