Maxaa kasoo baxay kulankii ay beesha caalamka iyo xildhibaannada wada mooshinka yeesheen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhaw naga soo gaaray xarunta beesha caalamka ee Muqdisho ee Xalane ayaa goor dhow soo idlaaday shir albaabaday aay u xiran yihiin oo halkaas ku dhex maray masuuliyiin ka socotay beesha caalamka iyo xildhibaanadii dhowaan ka gudbiyay mooshinkii kalsooni kala laabashada madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa shirka lagu lafa guray, oo ay xildhibaanada sharaxeen qaab sharciyeedka Mooshinka iyo qodobadii aay u cuskadeen xil ka qaadista Madaxweynaha. Waxaa shariciyeenta mooshinka si hufan u sharaxay Xil. Cabdirahman Xoosh oo aad ugu dheeraday (Article #3) ee dastuurkii 1960 iyo qaabka loo horgeyn doono maxkamadda sare ee JFS, taasoo uu dastuurka qabyo qoraalka ah uu dhigayo in haddii aysan jirin Maxkamaddii dastuuriga ahayd, dib loogu noqon doono dastuurkii 1960 (Article #3) oo dhigayo in Maxkamadda Sare ay noqoneyso Maxkamaddii dastuurka.

Beesha caalamka ayaa aad u daneyneysay waxa uu yahay qorshaha Baarlamaanka, lacalla hadii uu is casilo ama xilka laga xayuubiyo Madaxweynaha; Waxaa arrintaan ay Baarlaaanka uga jawaabeen, in (Article #95) ee dastuurka ku meel gaarka ah uu qorayo; In haddii madaxweynaha xilka keeno ama laga qaado, in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu soo doorto madaxweyne kale, kaasoo mudadiisu aanay ka badnaan karin inta ka harsan mudada loo qabtay Dowladdan la soo dhisay 2012, taasoo ah in Madaxweynaha la soo dooran doono uusan ka badsan karin muddada harsan.

Waxaa ay qabaan xildhibaanada qaar in waqtiga harsan loo daayo Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu sii hayo xilka inta laga gaarayo doorashada 2016. Iyadoo xildhibaanada qaarna ay ku andacaoonayaan, in dastuurka uusan sidaa qabin ayna tahay sharci darro in uu guddoomiyaha sii hayo baarlamaanka waqtiga uu u cayimay dastuurka oo ah 30 maalmood.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in Qareenada Baarlamaanka ay dhawaan u gudbin doonaan Mooshinka Maxkamadda Sare ee JFS, taasoo bilaabi doonta ka doodista iyo eegidda sharciyan qodobada lagu soo eedeeyay Madaxweynaha ee xilka looga qaadayo haddii lagu caddeeyo danbiyada lagu soo oogay.

Wixii faahfaahin ah oo kale dib ayaan idinkala socodsiin doonaa insha allah.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com