5 qodob oo kasoo baxay shirkii xildhibaannada..

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed aay wada jir u soo saareen Xildhibaanada Baarlabaanka Soomaaliya iyo dhiggooda Kenya ayaa waxaa la isku af gartay

  1. 1. Si loo fududeeyo isku safarka labada dal, Xildhibaanada Kenya ayaa waxa aay kula talin doonaan Baarlabaanka Kenya in la fududeeyo isu socodka labada dal, lagana kaaftoomo in Diyaaradaha ka soo baxa Soomaaliya aay soo maraan magaalada Wajeer ee dalka Kenya
  2. 2. Baarlabaanka Kenya waxaa uu si toos ah ula hadli doonaa dhammaan hay’adaha aay khuseyso sidii loo bilaabi lahaa duulimaadyo toos ah Mogadishu iyo Nairobi. Iyo weliba in aay ku talin doonaan in Diyaaradooda Kenya Airways aay bilowdo duulimaadyo toos.
  3. 3. Baarlabaanka Kenya guddigoodan waxaa aay ku talinayaan in xiriir hoose oo wada shaqeyn ah uu dhex maro labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya si loo hubiyo la iskana kaashado la dagaalanka kooxaha xag jirka ah si aaysan u fulin danahooda gaarka ka ah labada dal.
  4. 4. Waxaa aay ku talin doonaan si qoraal ah iyagoo marsiinaayo Aqalka Baarlabaanka Kenya, si wax looga qabto dhibaatooyinka soo wajaha, Wafuudda Soomaaliyeed, hoggaamiyaasha kale, muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo reerahoodaba inta aay joogaan dalka Kenya
  5. 5. Baarlabaanka Kenya waxa uu kutalo bixin doonaa in loo helo kaalmooyin iyo dhaqaale si aay uga qeyb qaataan dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dowlad wanaagga, shaqaalaha rayidka ah, horumarka caddaaladda, si aay labada waddan uga faa’iideystaan daris wadaagooda.

Halkan hoose akhriso War murtiyeedka wadajirka ah.
[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/08/joint_communique.pdf”]

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com