Xildhibaanada mooshinka oo beesha caalamka u caddeeyey mowqifkooda kadib wada-hadallo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo siwada jir ah ay u wada kulmeen Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xassan iyo Xubno ka kala socday QM, IGAD, Hay’adaha deeqda bixiya, ayaa waxaa halkaasi xog wareysi kuwada yeeshay Xildhibaanada iyo Xubnahaasi.

Kullanka oo muddo qaatay kadib ayaa waxaa arrimaha laga hadlay Saxaafada usoo bandhigay Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ah afhayeenka xildhibaanada Mooshinka keenay waxaana uu sheegay in jawi wanaagsan uu kusoo dhamaaday kullankaasi oo ahmiyad gaar ah u lahaa Mooshin wadayaasha.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil waxa uu sheegay in Xildhibaanada Mooshinka keenay uu damacoodu ahaa Hal arrin taasi oo aheyd in Xubnahaasi ay kamid ahaayd QM ay gaarsiiyaan Mowqifkooda oo ahaa in Madaxweyne Xassa uu is casilo ama ay Mooshinkooda xilka uga qaadan.

Xildhibaanka waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnahaasi oo ka walaacsanaa in Mooshinka uu hakiyo Howlaha Dowlada ay u cadeeyen in mooshinkaan aanu ahayn mid caqabad ku ah shaqooyinka dowladda, balse madaxweynaha u gaar yahay.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa tilmaamay in xukuumadda ay shaqadeeda aad u wadato, sidoo kalena baarlamaankana shaqadiisa wato, waxaana madaxweynaha uu ugu baaqay in uu is casilo.

Cabdi Barre Jibriil, ayaa Cadeeyay in Mooshinka asalkiisa ay usoo bandhigeen Xubnaha ay la kulmeen, islamarkaana ay ku qanceen balse ay codsanayaan in wax un laga bedelo Mooshinka si dalka uusan u gelin xaalad degdeg ah.

Nuqul kamid ahaa Haddalka uu Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil siiyay Saxaafada ayaa u dhacay “Dalka hadii uu qalalaasyo siyaasadeed galaayo cidda gelinaysa waa madaxweynaha, waan ugu nasteexeyneynaa inta kiiskaan aanu meel weyn tagin, xasanaada lagaa xayuubin”

”Waxaan ku leenahay Madaxweyne is casil oo dheh, hadii baarlamaankii shalay i doortay iga horyimid oo i nacay istiqaaladii waan dhigay oo waataas, inkastoo rajo badan aan ka qabin in madaxweyne Afrikaan ah taasi uu sameeyo”

Mr Cabdi Barre Jibriil oo wax laga weydiiyay arrinta la xiriirta Mudanayaasha ka baxay garabka Mooshinka, ayaa sheegay in aanay badneyn oo Hal mudane yahay, kaasina ay ka maarmikaraan.

Geesta kale, waxa uu xaqiijiyay in lama huraan ay tahay in Mooshinkaani uu ku dhaco Xassan Sheekh ama uu Is casilo isaga oo sharaf ku dhex leh Bulshada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com