Ahlu-Sunna oo u jawaabtay Cabdikariim Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Ahlu sunna ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo baxay madaxweynaha maamulka Galmudug ee ku aadan in dib loo dhigayo soo magacaabida golaha wasiirada maamulkiisa si wada tashi loola sameeyo Ahlu sunna Waljamaaca.

Guddoomiyaha dib u heshiisiinta Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Xaaji Ibraahim oo u  warramay saxaafada ayaa beeniyay in xubno matalaya Ahlusunna Waljamaaca shir kula leeyihiin Magaalada Cadaado Maamulka Galmudug.

Xaaji Ibraahim ayaa tilmaamay in xubnaha la sheegayo in Cadaado ay wadahadal kula leeyihiin Cabdikariin Xuseen Guuleed ay horay uga tirsanaayeen Ahlusunna Waljamaaca balse hadda aysan  siyaasadda ku matalin.

Sidoo kale Xuseen Salaad Ibraahim oo kamid ah xubnaha Ahlu sunna oo la hadlay Idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa dhankiisa sheegay ineysan aqoonsaneyn maamulka madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Hadalka Ahlusunna Waljamaaca ayaa yimid ka gadaal markii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay in wadahadal uiu la sameynayo Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca si looga mid dhigo golaha wasiirada maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com