Daawo: Madaxweyne Sheekh Shariif oo jeediyay khudbad uu kaga hadlayay arrimo badan (Video)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa Khudbad ka jeediyay Machad ku yaalla Dalka Mareykanka isaga oona Khudbadiisa uga hadlay arrimo dhowr ah.

Sheekh Shariif ayaa marka hore Mahadcelin usoo jeediyay Xubnaha ka qeybqaatay Barnaamijka iyo Dowlada Mareykanka waxa uuna sidoo kale ka hadlay waxqabadkiisa laga soo bilaabo Xiliga Maxaakiimta iyo goortii uu ka degay xilka Madaxtinimo ee Somalia.

Waxa uu sheegay in goortii loo dhiibay Maxaakiimta uu dalka Somalia ka dhaliyay Nabad aan dhiig ku daadan, waxa uuna sheegay inay xabsiyo kasii daayen Maxaabiis badan oo loo heystay qafaal ilaa markii danbe uu dalka gaarsiiyay amaan.

Ujeedka ugu weynaa ayuu ku sheegay sidii Somalia loogu heli lahaa is aaminaad iyo in Shacabka ay helaan Degnaansho, hayeeshe ay hordhac u ahaayen nabada yar ee maanta la heysto.

Wuxuu tilmaamay inuu soo maray marxalado kala duwan marka uu qabtay Madaxtinimada Somalia isaga oo inta badan Xooga saarayay in Caalamka intiisa kale uu ka dhaadhiciyo in Somalia ay diyaar u tahay inay Caalamka wax la qeybsato si loo helo xasilooni, balse qeybo badan oo aragtidooda ahaa ay hirgaliyeen.

Sidoo kale waxa uu Khudbadiisa kusoo qaatay Dagaalada ka socda Ciraaq iyo Syria kaasi oo ay wadaan Kooxo isticmaalaya magaca islaamka balse waxa uu Khudbadiisa ku sheegay inaysan xiriir la laheyn diinta ujeedkooduna yahay carqaladeynta amaanka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA KHUDBADA SHEIKH SHARIIF