Dhageyso odayaasha Sade: Doorashadii Axmed MADOOBE waxa ay ahayd xaaraan iyo macsi.!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxgaradka gobolka Gedo ayaa ku tilmaamay mid xaaraan ah Doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo ee Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) loogu doortay inuu noqdo madaxweyne  maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha Golaha guurtida Degmada Garbahaarey Nabadoon Buraalle Jaamac Deer ayaa sheegay in doorashadaasi aysan u dhicin si xaq ah, iyadoo loo baahnaa in doorashada ka hor la wada hadlo.

“Doorashada dhacday waa mid xaaraan ah, waxaan u aragnaa mid sii hurin karta colaadda goballada Jubooyinka, waxaan u aragnaa in dagaalkii horay u jiray lasoo celinay” ayuu yiri Nabadoon Buraale oo ku eedeeyay Itoobiya iyo Kenya inay Jubbooyinka dib ugu celinayana dagaaladii sokeeye.

Nabadoonku wuxuu   si weyn uga hor yimid isbedelka lagu sameeyay maamulka gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay arrintasi tahay faragelin ay waddo dowladda Itoobiya.

Xaaladda Gobolka Gedo ayaa ah mid kacsan oo xiisad ay hareysay kadib markii ciidamada Itoobiya ee gobolkaasi jooga ay la safteen Axmed Madoobe si qasab ahna ku bedeleen maamulka Gobolka iyo degmooyinka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com