Maxaa ka cusub xaaladda magaalada LAASCAANOOD kadib DAGAALKII shalay?

Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee magaalada Laascaanood ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dagan tahay, kadib dagaal culus oo shalay jab lagu gaarsiiyay Somaliland, kaas oo ka dhacay bariga magaaladaas, gaar ahaan Goojacadde.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in jawiga uu xasilan yahay, waxaana magaalada iyo duleedkeeda ku sugan ciidamada SSC oo shalay qabsaday Goojacadde iyo Maraaga.

Sidoo kale qaar kamid ah shacabkii horay uga barakacay magaaladaas ayaa dib ugu soo laabtay Laascaanood, kadib guusha ay gaartay SSC-Khaatuma.

Soo laabashada shacabka ayaa timid, iyada oo horay ay u jireen digniino ku aadan in magaalada ay weli khatar ka jirto, maadaama ay dhex-yaalaan qumucyo iyo rasas aan qarxin, kuwaas oo saameyn kara dadka shacabka ee ku soo noqonaya guryahooda,.

Guusha SSC ayaa sidoo kale si weyn looga dareemayaa gudaha Laascaanood, ayada oo xalay magaalada laga maqlayay rasaas ay dadka ugu dabaal-dagayaan guushaasi.

Dhanka kale, Somaliland ayaa haatan wadda abaabul xoogan, ayada oo madaxda sare ay haatan ku howlan yihiin kalamo wadatashi ah oo ay uga arrinsanayaan dagaalkii shalay.

Mucaaradka Somaliland ayaa sidoo kale arrinta soo farogeliyay, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna garab istaagaan ciidamada ku sugan jiidda hore.

Muddooyinkii dambe xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid kacsan, waxaana ay dagaallo ku dhexmarayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC, ayada oo fashilmeen isku-dayo dhowr ah oo la rabay in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan halkaas.