Maxaa kordhiyay xiriirka Shiinaha iyo ururka Taliban?

Kabul (Caasimada Online) – Inkasta oo aanay danjirayaal badani ku sugnayn caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, haddana danjiraha Shiinaha Wang Yu, ayaa u muuqda mid aad u mashquula.

Toddobaadkan, Wang wuxuu la kulmay illaa saddex wasiir oo ka mida xukuumada Taliban.

Wasiirada uu la kulmay waxaa ku jiray laba wasiir oo ay si gaar ah u diiddan yihiin diblomaasiyiinta reer galbeedku, sida wasiirka arrimaha gudaha Sirajuddin Haqqani oo Maraykanku madaxiisa dul dhigay $10 milyan oo dollar, iyada ooloo haysto falal argagixiso.

Sidoo kale Nida Mohammad Nadem ayuu la kulmay oo isna ah wasiirka waxbarashada sare, kaasi oo loo haysto amarkii uu ku bixiyey inaanay habluhu ka qayb geli karin waxbarashada jaamacadaha.

Si taas la midda, Danjiraha Taliban u fadhiya Shiinaha SAyed Muhayuddin Sadaat ayaa isna kulamo joogto ah la leh masuuliyiinta Shiinaha iyo weliba hay’adaha kale ee dalkaas ka dhisan.

Shiinaha ayaa kamid ah dalal kooban oo nooc aqoonsi diblomaasiyadeed ah u fidiyey Taliban.

Shiinuhu uma aqoonsana Taliban oo keliya inay yihiin xukuumadda sharciga ah ee dalkaas ka talisa, balse wuxuu kale oo ula macaamilaa sidii saaxiib dhow oo dhinaca amniga, ganacsiga iyo maalgashiga ah.