Daawo: Halkee ayuu marayaa kiiska xasaasiga ah ee loo haysto 36 qof oo ajnabi ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale u fariisatay dacwad culus oo loo heysto 36 ajaaniib ah oo ay maalmo kahor ay xeer ilaalinta guud ee qaranka ay gudbisay maxkamadda, kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha dalka.

Ajaaniibtan oo kala dhashay dalalka Iran iyo Pakistan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay kalluumeysi sharci darro ah iyo inay kusoo xadgubeen biyaha Soomaaliya.

Fadhigaan ayaa waxaa la horkeenay 18 eedesane, si loogu akhriyo eedooda, halka 18-kale horay maxkamaddu ugu marisay dacwadda loo soo xiray iyo eedda loo heysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kiiska dacwad ciqaabeeda loo haysto raggaan uu yahay lambar 469-2023, isla-markaana maanta fadhiga labaad uu yahay in 18-ka haray loo sharaxo eedeymaha loo heysto ee ka dhanka iyaga.

“Fadhiga maanta wuxuu ku saabsan yahay in maxkamaddu ay eedda u akhriso 18-ka kale ee harsan oo ka harsan eedeysanayaasha kale ee aan weli loo akhrin eeda,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay dacwadda loo heysto ay tahay inay soo galeeb biyaha Soomaaliya ogolaansho la’aan, weliba ruqsad ka heysan dowladda federaalka

“Eeed nuxurkeeda waxaa waayey in eedeysanayaashu ay biyaha Soomaaliya soo galeen, iyaga oo aan u heysan ruqsad, sidaasna ay uga qaateen kalluun si sharci darro ah. Waa eedda uu xafiiska xeer ilaaliyaga guud u heysto eedeysanayaasha,” ayuu sii raaciyay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale tarjumaan gaar ah u diyaarisay ajaaniibtaan, si uu ugu tarjumo, waxayna soo xulatay Aqoonyahay Cali Xaydar oo wax kusoo bartay Iran.

“Fadhigan ayaa waxaa tarjumi doono, Insha Allah Cali Xaydar Cismaan oo ah qabiir muddo fog ku noolaa dalka Iran” ayuu mar kale yiri gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay inay iibisay kaluunka ay sida darrada ah ay ula soo baxeen ajaaniibtan oo hadda wajahaya maxkamadeyn.