Horjoogihii lagu dhaawacay duqeyntii degmada JILIB ‘oo xaalad darran ku sugan’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horjoogihii dhawaan lagu dhaawacay duqeyntii magaalada Jilib uu ku sugan yahay xaalad aad u liidata.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cusmaan Maxamed Cabdi (Macallin Cusmaan) ayaa waxa uu dhaawac daran kasoo gaaray howl-gal ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada calamiga ah, kaasi oo laga fuliyay magaalada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Horjoogahan ayaa lagu sameeyey qalliino kala duwan kadib dhaawaca culus ee kasoo gaaray duqeynta, wuxuuna weli ku sugan yahay xaalad miyir doorsoom ah, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Horjoogahaan ayaa waxa uu ahaa danbiile la daba joogay oo mas’uul ka ahaa in uu dalka kusoo hogaamiyo Khawaarij ajaanib ah, sidaas oo kale wuxuu ka shaqaynayay in uu soo waarido Afkaarta Khawaarijta.”

Ninkan ayaa waxa uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsan yahay arrimaha dibadda, sida lagu shaaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda.

Howl-galkan ayaa ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday guri uu isku qarinayay horjoogahan, kaasi oo ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha kooxda Al-Shabaab ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Beegsiga horjoogeyaasha Khawaarijtu waa fariin ku socota kooxaha Khawaarijta ah taas oo ah in aanay Soomaaliya ku heli doonin gabbaad ay ku dhuuntaan isla markaana si joogto ah ay u daba socdaan Ciidamada Amnigu si cadaaladda loo marsiiyo,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaankan.

Duqeyntan oo 20-kii bishaan uu Mareykanka ka fuliyay Jilib, ayaa aheyd mid iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.