Maxaa laga filan karaa maamul goboleedyada kadib go’aankii R/W Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib hadal-jeedintii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maalin kahor ku dhowaaqay in doorashada soo socota aan dib loogu laaban doonin Teendhada Afisoone ayaa waxaa isa soo soo taraya falcelinta laga bixinayo go’aanka ra’iisul wasaaraha dalka.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn xoogan, waxaana durbo ka horyimid siyaasiyiin kala duwan oo uu kamid ah agaasimihii hore NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo rag kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayay sidoo kale suuragal tahay inay ka horyimaadaan arrinta uu ka dhawaajiyay Xamza, sida uu qabo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka falceliyay khudbadda ra’iisul wsaaraha.

Jeesow oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in maamul goboleedyada laga filan karo inay beddalaan go’aanka ra’iisul wasaaraha, dibna loogu laabto Teendhada Afisyoone.

“Waa suurtagal waxa uu ra’iisul wasaaraha ku khudbeynaayay inay beddalaan dowlad goboleedyada iyo nimanka kale ee mucaaradka ah oo ay yiraahdaan Teendhada hala aado, laakin annaga baarlamaan ahaan waxaan ansixinay inay doorashada u dhacdo hal qof iyo hal cod” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa taageero u muujiyay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna sheegay inuu rabo in aan dib loogu laaban Teendhada, si loo qabto doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

“In mar walba Teendhada lagu noqdo aniga ma qabo, waana ku raacsanahay hadalkaas ra’iisul wasaaraha oo ah mid u hiilinayo dadka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Jeesow.

Waxaa kale oo uu ka warbixiyay sida loo qaban karo doorasho qof iyo cod ah, maaadaama dhibaatooyin xoogan ay weli ka jiraan gudaha dalka.

“Haddii xittaa la tagi Karin tuulooyinka hala geeyo sanduuqyada doorashada magaalooyinka waa wayn ee ay gacanta ku heyso dowladda, xisbina haloo tartamo” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan at taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, kaas oo ka biyo diideen mucaaradka iyo Puntland.