Maxaabiistii Al-Shabaab lala xiriiriyay ee ka baxsaday Kenya oo laga soo qabtay…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dib gacanta ugu dhigtay saddex maxbuus oo loo heesto falal la xiriira argagixisanimo oo Axadii lasoo dhaafay ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti ee ku yaalla Nairobi.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa eedeysanayaashan oo baxsad ahaa ku qabtay bariga dalka Kenya, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Kenya.

Raggan ayaa waxaa xilliga la qabanayey la sheegay in ay doonayeen inay usoo baxsadaan dhinaca Soomaaliya, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya.

Saddexda nin oo uu mid ka mid ah yahay Soomaali ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Abiikar, Musharraf Abdalla iyo Joseph Juma.

Maxamed Cali ayaa waxaa lagu helay inuu ka qeyb qaatay weerarkii 2015-kii ee  Jaamacadda Gaarisa, kaas oo lagu dilay 148 qof, halka mid ka mid ah ragga kale ee la soo qabtay oo la xiray 2012-kii lagu eedeeyay weerar lagu fashiliyay baarlamaanka Kenya

Sidoo kale eedeysanaha saddexaad ayaa isna loo heestaa inuud doonayey ku biirista kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo sidoo kale wadanka Kenya.

Baxsashada raggan ayaa xiisad weyn ka dhex abuurtay dowladda kenya, waxaana ay keentay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu shaqada ka eryo taliyihii xabsiyada dalkaasi Wycliffe Ogallo, wuxuuna u magacaabay taliye cusub oo la yiraahod John Warioba.

Si kastaba, eedeysanayaasha ayaa haatan loo soo gudbin doonaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, si dib loogu celiyo xabsiga.