Xog: Axmed Madoobe oo si rasmi ah u xaqiijiyey damaca iyo qorshaha Saciid Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey damaca madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ee ah inuu isku sharxo xilka madaxweynaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay xubno uu la hadlay.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka baarlamanka Puntland, kulankaas oo qorshaha Deni lagu shaaciyey

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Madaxweyne, Siciid Deni uu yahay Musharrax u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana u baahan in la garab Istaago.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka loogu yeeray in ay taageeraan Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Deni, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada oo diiday in magacyadooda la xigto iyo qaar ka mid ah xubnihii ka qeyb galay kulanka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Puntland iyo Jubaland ay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabayaan Doorashada Golaha Shacabka, balse wax faahfaahin ah ma raacin.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa soo dhoweeyay qorshaha Musharraxnimada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ay u ballan-qaadeen taageero buuxda.

Madaxweyne Siciid Deni kama hadin wax ku saabsan Musharraxnimadiisa balse wuxu sheegay in kulanku xiranyahay habeenka Jimcuhu soo galayana (Caawa) ay jirto Casha Sharaf lagu sagootinayo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland waxa uu bisha January ee sanadka soo socdo u dabaal dagi doonaa seddex sano guurada kasoo wareegtay madaxtinimadiisa Puntland, waxaana markaas xafiiska uga harsan laba sano.

Doorashada heer Federaal waa dhaafi doontaa xilliga uu Deni xusayo saddex guuradiisa, wuxuuna kamid yahay ragga xilligaan soo gaarsiiyey doorashada heer Federaal. Waxaa lagu eedeeyaa inuu dhowr xaaladood isku aadinayey.

Saciid Deni waa musharax madaxweyne oo heer Federaal ah, dhowr bilood ka hor si qarsoodi ah ayaa loo dhihi jiray kalmadaas, laakiin muddooyinkii lasoo dhaafay si toos ah ayuu u bilaabay ololihiisa, wuxuuna soo saartay xildhibaano.

Saciid Deni wuxuu ku doodaa haddii uusan tartamin inuu kursiga mar kale kusoo noqon doono madaxweynaha hadda talada ka dhammaatay ee Maxamed Cabdulalahi Farmaajo, taasoo ka dhigan inuu isku arko ninka qura ee Farmaajo ka hor istaagi kara kursiga.

Isha: Puntland Post