Maxaad ka ogtahay 4-ta dhinac oo ay leedahay soo laabashada Farmaajo ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dorraad dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo dhinaca kale mudane baarlamaan ah ayaa sheegay inuu Muqdisho u yimid inuu talo ku darsado doodda iyo dhameystirka dastuurka.

Fikrado kala duwan ayaa laga bixiyay ku soo laabashada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee magaalada Muqdisho. Waxaan kusoo koobeyna warbixinta afar qodob, kuwaasi oo kala ah;

1. Waqtiga

Xasan Sheekh wuxuu Farmaajo siiyay 18 billood kadibna mucaaradnimo ayuu ku bilaabay, isaga oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Farmaajo isna waxa uu Xasan Sheekh siiyay 16 billood, wuxuuna dorraad kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Farqiga waa laba billood, waxaana la eegayaa inuu Farmaajo sidii Xasan Sheekh curin karo kooxo siyaasadeed oo uu kusoo ceshan karo kursiga.

2. Ahmiyada dastuurka

Horey waxaa magaalada Muqdisho u joogay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, kaas oo dhawaan tegay baarlamaanka. Inuu Farmaajo isna ku biiro dooddaha baarlamaanka ka socda ee dastuurka la xiriira waxay muujinaysa ahmiyada ay leedahay doodda dastuurka ee taalla baarlamaanka Soomaaliya.

Wax ma ka beddeli karaan jihadda uu baarlamaanka u socdo warbixin kale ayaa ku faaqidi doona.

3. Abaabulka kooxo siyaasadeed

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhawaan tijaabiyay isaga oo kaashanaya Shariif Sheekh Axmed inay wada-hadal ka dhex sameyn karaan Xasan Sheekh iyo Saciid Deni. Laakiin waxa uu markii dambe sheegay inay dhanka Xasan Sheekh wax ka socon waayeen.

Wararka waxay sheegayaan inuu tegi doono magaalada Garoowe, halkaasna ay ka bilaaban doonaan shirar is-xulafeysiyo iyo fikrado la xiriiro sida loo joojin karo tallaabooyinka aan loo dhameyn ee dastuurka ee ay damacsan tahay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

4. Dadka aaminsan Farmaajizamka

Madaxweynihii hore wuxuu leeyahay taageerayaal badan oo si dabiici ah u aaminsan, inkasta oo aan la ogeyn nuuca doorashada ee soo socota, haddana inuu Farmaajo dib saaxada ugu soo laabto waxay markale godadka kasoo saari karto kooxaha aaminsan aragtida Farmaajizamka, kuwaasi oo codkooda uu hoos jiray ku dhawaad laba sano oo ay xukunka haysato kooxda madaxweyne Xasan Sheekh.

Loolanka xukun ee Soomaaliya wuxuu tan iyo 2009 dhex yaalay dad kooban. Sooma bixin jilaayaaal badan oo siyaasadeed, dadkuna waxay u qeybsan yihiin taageerida kooxahaasi kooban oo aan wadan mabda’a ballaaran.

Waxaase jirta aragti badi loo dhan yahay, oo ah inuu dalka marwalba lahaado mucaarad shaqeeya oo marwalba dheelitiri kara kooxda xukunka joogta.