Maxaad ka ogtahay halista ku gadaaman socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Eritrea?

Asmara (Caasimada Online) – Isaias Afwerki waxaa loo arkaa midka ugu mayalka adag hoggaamiyeyaasha kalis-taliska ah ee dalalka ku yaalla Bariga Afrika. Wuxuu Eritrea haystaa tan iyo markii ay dal noqdeen 1993-dii.

Waxaa la sheega in madaxda u tagta badi uga sheekeeyo ama wax ka fahamsiiyo hanaanka kursiga lagu haysan karo waqti fog.

Soomaaliya cilaaqaad hore oo siyaasadeed lama laheyn Eritrea, balse madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeexay isku xir cusub oo labada dal ah sanadkii 2018.

Saaxiibadii hore ee Farmaajo waxay sheegaan inuu Farmaajo ahaa siyaasi dimuqraadi ah oo sharciga la weyn yahay, ka hor inta uusan saaxiib gaar ah la noqon hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki, balse wixii ka dambeeya macaamilkooda ayuu Farmaajo lasoo baxay dabeecadaha kaligii taliska, isagoo dhinac iskaga riixay dastuurka, qabsaday baarlamaanka, dhowr maamul goboleedna geystay dad aan isaga ka hor imaan karin.

Wuxuu kale oo ciidanka ku wareejiyay dhalinyaro fikirkiisa u carbisan, wuxuuna abuuray kooxdii xoogagga Waddaniyiinta oo qaar madax looga dhigay degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxaa la sheega wixii ka dambeeyay Farmaajo iyo Afwerki is qaateen inuu Farmaajo dhinac iskaga riixay in uu talada dhexda soo dhigo.

Hadda markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda inuu si weyn u caashaqsan yahay Isaias Afwerki, wuxuuna Axaddii markii lixaad booqasho ku tegay waddanka Eritrea.

Weli laba sano uma buuxsamin madaxweynaha Soomaaliya, dadkuna waxay durba bilaabeen inay ka doodaan gunta isku soo dhawaanshaha hoggaamiyaha Eritrea iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh inkasta oo uusan muddo xileedkiisi hore muujin wax astaamo kali-talisnimo ah, haddana kal xukunkaan cusub waxay dadka ka doodayaan halka uu kusoo dhamaan karo, taasi oo magaciisa hore xoojin doonta ama mid cusub siin doonta.

Marka la eego sida uu hadda madaxweyne Xasan Sheekh u wajahayo arrimaha dastuurka iyo isku soo dhawaanshaha dheeriga ah ee isaga iyo Afwerki, dadka qaar ayaa muujinaya walaac ka la xiriira in madaxweynaha uu cashiro ka qaadanayo kaligii-taliye Afwerki, kaasi oo loo haysto inuu yahay ninkii dariiqa ka lumiyay Farmaajo.

Inkasta oo marka la eego sida ay Soomaaliya u dhisan tahay waqtigan uusan qofna dalka wada qabsan karin, oo maamulo iyo qabiilo la kala yahay, haddana nuuca kaliya ee uu kaligii-taliye Soomaali ah noqon karo waa isku dhajinta kursiga Villa Soomaaliya.

Laakiin taas beddelkeeda dadka qaar waxay qabaan in safarkaan ugu dambeeyay ee Xasan Sheekh uu ku aaday Eritrea iyo kii ka horeeyayba in aan lala xiriirin karin wax labada nin u gaar ah, balse loo leexin karo mid Afwerki iyo Xasan Sheekh rabaan inay ku dhisaan is-xulafeysi ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Cilaaqaadka waqtigaan dowladda Ethiopia la leedahay labada waddan ee Soomaaliya iyo Eritrea midna ma fiicna, waxaana ugu wacan damaca Addis Ababa ku dooneyso inay bad ku hesho iyo sidoo kale hab-dhaqanka qaris-iskatuurnimada ah ee Abiy oo u baahan in wada-jir lagu wajaho.

Midda ay labadaan tahayba waqtiga ayaa dadka doodahan kala qaba u jawaabi doona, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh laga rabo inuu dalka doorasho galiyo bisha May 2026.