Imaam Masjid oo lagu dilay Masjid ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku dishay wadaad caan ka ahaa Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir, oo ahaa Imaam Masjid.

Maleeshiyada ayaa wadaadkaani dishay xili uu kasoo baxay Salaadii Cishaha, waxa uuna dilkiisa ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab.

Dilka wadaadkaani ayaa waxaa fuliyay laba ruux oo ku hubeysnaa Bastoolado kuwaasi oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Marxuumka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cumar Xasan Xuseen waxaana la sheegay in laga wada garanaayay Degmada Xamar-jajab.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu daruus diini ah ka bixin jiray Tv-ga dowlada ee SNTV waana sababta ay maleeshiyada u beegsadeen.

Ma jirto cid loo qabtay dilka wadaadkaani caanka ah ee bixin jiray daruusta diiniga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com