28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Warbixin: Maxaadan ogeyn oo maanta ka socda xarunta MADAXTOOYADA?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow naga soo gaaray Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu xiligaani kulan uu u socdo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.

Wararku waxa ay nagu soo gaarayaan in Madaxweyne Xasan uu Mas’uuliyiintaasi isugu yeeray si ay u kala qaatan Macluumaadkii ugu dambeeyay ee ku aadan Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia uu heesto Xildhibaano badan kuwaa oo horey u saxiixay Mooshinka laga gudbiyay R/W C/weli, waxaana socda dadaalo Xildhibaano kale ay kusoo jiidanayaan Xubnaha u ololeenaya Madaxweynaha dalka.

Dhanka kale, waxaa isla Madaxtooyada ka socdo kulan kaasi ka duwan oo u dhexeeyo R/W C/weli iyo Tiro xildhibaano ah, waxa uuna C/weli ku dadaalayaa in uu helo Xildhibaano tiro badan si uu uga bad baado in codka Kalsoonida ay kala noqdaan Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana Warar aan helnay sheegayaan in dhinaca R/W C/weli lagu arkay Xildhibaano horey u taageersanaa Madaxweynaha.

Maalinta bari ah ayaa la filayaa in labada garab Xildhibaanada ee kala taageersan Xassan iyo C/weli loo qeybin doono Mooshinka, mana jirto cid saadaalin karta sida uu xaalku noqon doono, inkastoo ay labada garab isu dhow yihiin xiligaani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News