26.5 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Kooxda madaxweyne Sheekh SHARIIF oo xisbi kaga dhowaaqday MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay Munaasabad lagu daahfuraayay Xisbi Cusub ee uu lahaan Doono Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed.

Xisbigaani ayaa waxaa lagu magacaabaa (Daljir) iyadoona ay ku mideysan yihiin Xubnaha Ururka Aalla Sheekh ee looga itaal roonaaday Doorashadii dalka ka dhacday ee lagu doortay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Xisbigaani oo ah mid Siyaasadeed ayaa waxaa Ujeedkiisa lagu sheegay in Xubnaha Aalla Sheekh ee Sanadkaani u sharaxan qabashada Madaxtinimada dalka ay qaab Xisbi ahaan isaga soo sharaxaan.

Sidoo kale, Munaasabada lagu daahfuraayo Xisbiga ayaa waxa ay hadda ka soctaa Hotel Suldaan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, iyadoona Gudoomiyaha Xisbigaasi loo doortay Xildhibaan Xassan Macalin oo ka tirsan Golaha shacabka BF Somalia.

Dhanka kale, Xisbigaani ayaa waxa uu daba socdaa Xisbiyo maalmahaani si is xigxiga looga hirgalinaayay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu fulinaayo dano Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News