24.8 C
Mogadishu
Wednesday, February 11, 2026

Xildhibaannada Jubbooyinka: “Waan soo dhoweeneynaa go’aankii Jawaari”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka iyo wasiir ku xigeen ka tirsan Xukuumada ayaa maanta si weyn u soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray khilaafkii mooshinkii laga keenay Ra’iisulwasaaraha.

Xildhibaanada iyo wasiir ku xigeenka shirka jaraa’id isla qabtay ayaa kala ah Maxamed Ismaciil Shuuriye oo ah Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guryeynta Xukuumada Soomaaliya halka labada Xildhibaana ay kala yihiin Maxamed Iidle Geedi Xerow iyo C/rashiid Xidig.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xerow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan heshiiska laga gaaray arimaha la xiriira mooshinkii laga keenay Ra’iisulwasaaraha kaasoo kala qeybsanaan ku keenay xildhibaanada dhexdooda.

sedex mas'uul“anagoo ah mas’uuliyiinta Jubooyinka ka soo jeeda waxaan taageersanahay heshiiska la gaaray iyo go’aankii gudoonka baarlamaanka ee ahaa in berito xildhibaanadu si sharciga waafaqsan u galaan mooshinka laga keenay Ra’iisulwasaaraha bilaa buuq”ayuu yiri Maxamed Iidle Geedi Xerow

Xildhibaan Maxamed Iidle oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka keenay Ra’iisulwasaaraha ayaa tilmaamay in hadii xildhibaanada qaar markii hore qaldameen hadana ay isa saxeen ay iyagu aad u soo dhaweynayaan.

“annaga markii horaba waxaan aheyn mudanayaasha mooshinka ka keenay Ra’iisulwasaaraha, sidaas ay tahay waxaan soo dhaweyneynaa hadii walaalaheen ay hada nala fahmeen in si nabad gelyo ah mooshinka loo guda galo”ayuu mar kale yiri Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xerow

Mudanahaan wuxuu sheegay in hadii cod loo qaado xukuumada C/weli in guushu qolo uun raaci laheyd labada dhinac iyaga dhankoodana ay aad u soo dhaweynayaan in si nabad ah loo wajaho mooshinkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News