Muqdisho (Caasimada Online) – C/naasir Maxamed Cali oo ka mid ah mudanayasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wareysi siiyay caasimada.net waxaana uu ka hadlay heshiiska ay isla gaareen Xildhibaanada kuwaasoo isku khilaafsanaa mooshinkii laga keenay Ra’iisulwasaaraha.
Xildhibaan C/naasir oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay inay heshiis gaareen mudanayaasha baarlamaanka ee labada garab u kala baxay.
“Way isku soo dhawaadeen xildhibaanada, wayna isku fahmeen habka loo wajahayo mooshinka marka berito xildhibaanadu isku yimaadaan”ayuu yiri Xildhibaan C/naasir Maxamed Cali
Xildhibaanka oo wax laga weydiiyay inuu bayaaniyo waxa ay isku afgarteen ayaa tilmaamay isla fahmeen in wadanka la badbaadiyo,aayaha iyo mustaqbalka dalkana laga wada shaqeeyo,waliba si sharciga waafaqsan.
“Waxaan rajeynayaa in shirka berito nidaam iyo sharci lagu kala baxo “ayuu yiri Xildhibaan C/naasir
Sidoo kale Xildhibaanka waxaa wax laga weydiiyay xildhibaanadii mooshinka ka soo horjeeday oo qaarkood warbaahinta ka sheegay inay wali mowqifkoodii taagan yihiin islamarkaana ay taatikada badalayaan kaliya, waxaana uu kaga jawaabay inaanu arimahaasi maqal balse aqlabiyada baarlamaanka waxay ay qabto uu ka hadlayo isaga.
“Koley mooshinka horaa loo qeybiyay laakiin way dhici kartaa in xildhibaanada dhiman la siiyo berito,waxan fileynaa in moshinka laga doodo berito inta laga gaaro”ayuu yiri C/naasir Maxamed Cali
Tan iyo markiii Gudoonka baarlamaanku qabtay mooshin ka dhan ah ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa labo garab u kala baxay xildhibaanada kuwaasoo qaarna mooshinka keeneen,halka qaar kalana kasoo horjeesteen.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]