26.8 C
Mogadishu
Monday, March 16, 2026

Xog: Magacyada wasiirada la xaqiijiyey in ay soo laaban doonin kadib C/WELI

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu ku howlan yahay kala sifeynta Wasiirada dib usoo laaban doono iyo kuwa xilkooda weyn doono, marka uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli meesha ka baxo.

Warar hoose ayaa sheegaya in R/W C/weli uu ogolaaday inuu faarujiyo Xafiiska, islamarkaana wada-hadallo socda iminka ay marayaan meel wanaagsan, si Cabdi Weli xilka uga tago.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa hadda miiska u saaran 7-Wasiir kuwaasi oo saaxib dhow la ah Cabdi Weli, oo sida la sheegay aan dib usoo laaban doonin, marka R/W C/Weli Sheekh Axmed uu baxo, waxaana ka mid ah:-

1-R/Wasaare ku xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed
2-Wasiirka amniga qaranka Khaliif Erag
3-Wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
4-Wasiirka waxbarashada Axmed Maxamed Guraase
5-Wasiirka Macdanta Daa’uud Maxamed Cumar
6-Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Aadan Maxamed Nuur

Dhammaan wasiiradan ayaa waxa ay ka mid yihiin kuwa sida aadka ah u taageersan ra’iisul wasaare Cabdi Weli ee halganka siyaasadeed la galay.

Dhanka kale, xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Madaxweyne Xasan uu doonay inuu dib usoo celsho Wasiirada qaar, waxaana kuwa la hubo ka mid ah Faarax C/qaadir iyo Cabdullahi Goodax Barre iyo qaar kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News