Maxamed Bin Salmaan oo ballan-qaaday aqoonsiga Israel, haddii Mareykanka ay hal arrin u sameeyaan

Riyadh (Caasimadda Online) – Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salmaan ayaa wacad ku maray inuu aqoonsan doono isla markaana caadi ka dhigi doono ganacsiga ay la galaan Israa’iil hadii Mareykanku ka caawiyo inuu “ka adkaado Iran oo uu la wareego bariga dhexe.”

Hadaladaan oo lagu muujiyey dokumentiyo ay soo bandhigtay shabakadda PBS Sabtidii laguna soo bandhigay barnaamijka ‘Frontline’, ayuu Bin Salmaan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii lagu guda jiray booqashadiisii caanka ahayd ee Riyadh bishii May 2017.

Martin Smith, oo ah soo saaraha dukumiintiga, oo cinwaankiisu yahay ‘The Crown Prince’, ayaa sheegay in Mohammad bin Salman uu doonayo inuu Trump ka caawiyo sidii loo jabin lahaa Iiraan iyo in laga caawiyo hamiga amiirka oo ah inuu noqdo furaha Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Bin Salmaan wuxuu ballanqaaday inuu ka caawin doono Trump iyo wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner, xallinta khilaafaadka Falastiin iyo Israa’iil iyo in la hirgeliyo heshiis uu Trump diyariyey ee loo yaqaan “Heshiiska Qarniga” kaasoo lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhulka reer Falastiin ee hadda xoogga lagu heysto.

Dukumentiga ayaa waxaa lagu soo bandhigay hadalka uu David Ignatius oo ah falanqeeyaha militariga Washington Post kasoo xigtay Boqorka Sacuudiga Bin Salman oo ahaa “Waxaan u arkaa Israel inay qeyb ka tahay Bariga Dhexe … Waxaan diyaar u ahay inaan aqoonsado oo aan xiriir ganacsi la yeesho Israel.”

Ignatius ayaa sheegay in hadalka Bin Salman uu Mareykanka iyo Kushner ka caawiyey inay kusii dhiiradaan diyaarinta Heshiiska Qarniga oo ah mid ogolaanayo in la iska garab dhiso laba Dowladood oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin.

Xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayaa noqday mid aad isugu soo dhawaanayo tan iyo markii uu awoodda la wareegay Maxamed Bin Salman oo ah nin aad u daneeyo inuu xiriir la yeesho dowladaha Reer Galbeedka.

Bishii Juun ee la soo dhaafay, diblomaasi Sucuudi u dhashay ayaa u sheegay Globes in si caadi ah xiriirka ka dhexeeya Sacuudiga iyo Israa’iil uu noqon doono “waqti uun”, isagoo qiray jiritaanka xiriirka qarsoon ee Israel iyo Sacuudiga iyo in Sacuudiga uu adeegsanayo teknolojiyadda Israel.

Caasimada Online
Xaafiiska Riyadh
Caasimada@live.com