Facebook Pinterest Twitter Youtube
  • About us
  • Privacy Policy
  • Contact Us
  • SO
  • EN
Logo
  • Home
  • English
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
  • About us
  • Privacy Policy
Logo
0
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
Facebook
Instagram
Pinterest
Twitter
Youtube
25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025
  • Privacy Policy
  • Contact Us
  • SO
  • EN
Logo
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
Ra'yigaWararka

Maxay Farmaajo u ficlayaan? (Faallo)

December 24, 2017
By Caasimada Online
3 min.
Bookmark
Bookmarked
Share
Facebook
Twitter
Pinterest
WhatsApp
Linkedin
Email
Print
Viber

    Share

    Facebook
    Twitter
    Pinterest
    WhatsApp
    Linkedin
    Email
    Print
    Viber

      Tan iyo bur burkii dowladii dhexe kadib waxaa uu dalkeenu yeeshay dowlado KMG iyo mid Federaal ah kuwaas oo badi waxba kabadalin xaalada dalka inkastoo ay ahaayeen kuwo dadaal badan bixiyay oo aan la dafiri karin hadana ma gaarsiisnayn wax qabadkooda halka uu maanta taaganyahay qaranka tii oo ay jirto badi dowdahaasi ma ahayn kuwo Shacbiyad xoogan ku lahaa dalka.

      Waxyaabaha ugu horeeyo aan rabo in aan faaladayda ininku sharxo dowladahaasi malahayn #Mucaarad sidan u xoogan oo gaarsiisan in wadamo shisheeye ay ku baratamaan riditaanka dowladeena marka laga soo tago xildhibaano dano gaaban lahaa kuwaas oo ujeedkoodu ahaa dumiya oo dhaqaalo ku hela #Mooshinkiina.

      Hadaba 8dii #Febraayo ee sanadkan sii dhamaanaya ee 2017 waxa dalka ka dhacday doorasho madaxtinimo oo uu ku soo baxay ninka talada haya MD Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo,

      Waxa jiray siyaasiyiin garab ku siiyay Farmaajo in uu xilkan qabto kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in uu abaal gud uga dhigo xilala sida RW, wasiiro IWM hayeeshee Maxaa dhacay?

      MD Farmaajo oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee garab ka haysta shacabka oo talada dalka qabtay taas oo uu ku helay waxqabad iyo daacadninimo uu muujiyay xilligii uu RW ka ahaa dalka isaga oo ka fogaanaya in uu shacabkiisa qiyaano oo uu kalsoonidooda lumiyo, isaga oo doonaya in uu ka fogaado in uu abaal gud uga dhigo RW shaqsi ay ku wayntahay #Qabyaaladda ayna yartahay in uu ka fikiro danta guud ee shacabka ayuu madaxweynuhu isaga oo shacabkiisa u naxaya ka fogaaday shaqsiyaadkaasi waxa uuna magacaabay DR Xasan Cali Kheyre oo isaguna noqday shaqsi shacbiyad lamid ah tii Farmaajo abuurtay lana la arkay wax qabadkiisa, daacadnimadiisa iyo shacab jeceelkiisa, sidoo kale waxa xusid mudan in madaxwaynaha qaranka uu #Maayarka Gobolka #Banaadir u magacaabay MD Thaabit Cabdi Maxamed oo isaguna ah shaqsi talaabo dheereeya labadan mas’uul xagga howlkarnimada , daacadnimada iyo shacab jacaylka.

      Hadaba maxaa laga baqayaa?

      Shaqsiyaad horey usoo qabtay talada dalka, kuwo hami kaleh hogaanka dalka markii ay arkeen dowlad kasbanaysa shacbkeeda lana timid wax qabad dhab ah soo furanaysa mawaadiniinteeda ku xiran xabsiyada dalka #Caalamka, dhex galaya shacabkooda doonaya in 2022 ay dalka ka hirgaliyaan doorasho qof iyo codkii ah taas oo ay fududaanayso in ay iyagu soo noqdaan maadaama ay haystaan garab shacab ayaa waxa arintaasi ay gil gishay Siyaasiyiintii damaca ka lahaa dalka 2022 oo meel fog ka arkay hadii ay dowladani sii jirto in ay iyagu soo noqon karin sidoo kale waxa xusid mudan in #DFS ay siyaasad adag ku wajahday xiriirka Arimaha Dibadda islamarkaana ka fogaatay in lacago lagu shubto waxayna wajiga u bedeshay Dowladda Ethiopia oo 27 sano faraha kula jirtay dalka, dowladaha carabta oo iyaguna isku garbinaya xulufo ahaanshaha #Soomaaliya sidaa darteed waxa ay dowlado badan oo ay kamid yihiin  Imaaraadka  iyo #Sacuudiga ay ku fekerayaan duminta dowladeena maadaama ay dowladda #Turkiga Saldhig cidan ka furatay geeska Afrrica saaxiib dhawna ka dhigatay Dowladda cusub si aan usii jirin xiriirkaasi ayaa lagu fekeray in ay dumiyaan dowladda Cusub, sidoo kale #Ethiopia oo ka fogaanaysa in #Somalia ay noqoto wadan cudud leh ayaa iyaduna qayb ka ah duminta dowladeena.

      Hadaba Maxaa looga baahanyahay shacabka?

      Sidan oo kale dowlado danahooda fiirsanaya ayaa sanadkii hore isku dayay duminta dowlada Turkiga hayeeshee waxa hor istaagay shacabkooda sidaasi si lamid ah ayaa maanta looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed si ay dowladooda u bad baadsadaan in ay is hortaagaan cid walba oo doonaysa duminta dowladan waxqabadka leh, shacabka waxa ay awood ku joojin karaan xildhibaan walba oo doonaya in uu rido dowladeena, siyaasi walba oo doonaya in uu qaso dowladeena iyo wadan walba oo doonaya in uu dumiyo dalkeena.

      Ugu danbeyn:- Tani waa wadadii ay ku soo noqon lahayd Soomaaliya una noqon lahayd booskeedii hore ee ahaa libaaxyada #Africa, hadaba Shacabka waxaan maanta cod dheer ku leeyahay war isku duubnaada oo kaca ee dowladiina bad baadsada.

      W/Q:- Alifoow Yare

      Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

      - Advertisement -
      QORAALKII HORE
      John Brennan oo dhulka ku jiiday Trump oo lagu sifeeyay 2 arrin oo aad u xun
      QORAALKA XIGA
      Farmaajo oo kala saaray sarkaalka iyo askariga midka uu kasoo maaxo xumaanta
      Caasimada Onlinehttp://www.caasimada.net

      Read more

      Wararka

      Gaas oo faah-faahiyey xilka sare ee looga magacaabay Midowga Afrika (Wareysi)

      Wararka

      Xog: Qiimaha ku kacaya dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha ee Muqdisho

      Caalamka

      Trump oo ku dhowaaqay go’aan guul weyn u ah Syria

      English

      Somaliland left empty-handed after Doha meeting

      English

      Somalia breaks ground on $1B new Mogadishu airport

      Local News

      Wararka

      Gaas oo faah-faahiyey xilka sare ee looga magacaabay Midowga Afrika (Wareysi)

      Wararka

      Xog: Qiimaha ku kacaya dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha ee Muqdisho

      Caalamka

      Trump oo ku dhowaaqay go’aan guul weyn u ah Syria

      English

      Somaliland left empty-handed after Doha meeting

      LogoTalk

      Caasimada Online is a reputable and reliable source of news and information on Somalia. As the largest Somali news site, we are dedicated to providing our readers with accurate and up-to-date coverage of the country's politics, society, and culture. Founded in 2009 by a Somali-American journalist, Caasimada Online is owned by Caasimada Media Group and headquartered in Mogadishu. In addition to keeping our readers informed, we strive to promote democracy in Somalia. If you have any questions or comments, please don't hesitate to contact us at [email protected]

      Important Links

      • Privacy Policy
      • Contact Us

      Trending

      Wararka

      Gaas oo faah-faahiyey xilka sare ee looga magacaabay Midowga Afrika (Wareysi)

      Wararka

      Xog: Qiimaha ku kacaya dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha ee Muqdisho

      Caalamka

      Trump oo ku dhowaaqay go’aan guul weyn u ah Syria

      Social Media

      © Caasimada Online 2012 | All Rights Reserved

      Facebook
      Instagram
      TikTok
      Twitch
      Twitter
      WhatsApp