Maxay ka dhigan tahay celinta jinsiyadda Maraykanka ee madaxweyne Farmaajo?

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da bisha August, 2019, dib u celiyay jinsiyaddii uu ka haystey dalka Maraykanka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu muddo dheer ku noolaa dalka Maraykanka isaga oo wax ku bartay, kana soo shaqeeyay. Marar badan ayaa shacabka Soomaaliyeed ka doodeen jinsiyadaha shisheeye ee ay haystaan siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo xilal ka haya dalka amaba damac kaga jiro kursiyada ugu sarreeya ee dalka.

Tallaabada Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaqay ee uu si iskiis ah kaga tanaasulay jinsiyaddiisii labaad ee dalka Maraykanka, iyada oo aanay jirin sharci diidaya in Madaxweynuhu haysto laba jinsiyadood, waxay ka tarjumaysaa sida ay Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay waddan jacaylka iyo Soomaalinnimada uu mar kasta ugu baaqo ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, arrintani waxay ibo-fur u noqonaysaa in haatan laga bilaabo, qofka raba inuu xilal sare ka qabto dalka ka tanaasulo jinsiyadaha kale ee uu haysto isla markaana u go’o u khidmaynta dadka, daacadna u noqdo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu qaaday tallaabo taariikhi ah oo aan horey loogu dhiirran. Madaxweynuhu waxa uu mudan yahay bogaadin iyo in lagu garabsiiyo hankiisa ku aaddan in la helo Qaran Soomaaliyeed oo milgo iyo sharaf ku dhex leh caalamka.

Adigu sidee u aragtaa tallaabada uu madaxweynuhu qaaday ?

W/Q: Cabdullaahi Cismaan Faarax
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid