Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo CC Shakuur?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ku qaabilay wafdi uu hoggaamiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta soo gaaray Dhuusamareeb.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebookga faahfaahin uga bixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha uga wadahadleen kulankaas.

“Waxaan kulan saacado badan qaatay aniga iyo wafdigayga la qaadanay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Cabdi Kaariye. Kulanka ayaan diirada ku saarnay xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo guulihii shirarkii Dhuusmarreeb” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan madaxweynaha isla garanay kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaljya.”

Iyadoo dhawaan Dhuusamareeb lagu soo gaba-gabeeyay wajigii sedaxaad ee shirkii wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminayo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay u sii gudbi doonaan magaalada Garowe oo ay kuwada suganyihiin madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Siyaasigan oo si weyn u dhaliila hab maamulka madaxda federaalka ayaa lagu wadaa in uu Garowe kulan kula qaato madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo iyagana ay aad siyaasada dalka isugu hayaan Villa Somalia.